Tuesday, October 8, 2013

Abwaan Geyiga Somalida Caan ka ahaa oo Xuska Sanad Guuradii 1-aad ee Geeridiisa Hargeysa lagu qabanayo (Gaariye)


Hargeysa(GNA)-Xuska Sanad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay Geeridii AHN Marxuum, Barre, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ayaa maalinta berry ah ka dhici doonta Magaalada Hargeysa.




Sida lagu sheegay qoraal Ogaysiis ah oo ay soo saartay Guddida qaban-qaabisay munaasibadan, waxa lagu soo bandhigi doonaa laba Book oo laga qoray Geeridii Marxuumka.




Abwaan Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye ayaa Geeriyooday 1-dii Bishii October ee Sanadkii 2012-ka, waxaanu ku dhintay Cisbitaal ku yaala Magaalada Oslo ee waddanka Norway, halkaasoo todobaad ka dib laga soo qaaday laguna aasay Magaalada Hargeysa oo Aas qaran loogu sameeyay.




Qoraalka Guddida ayaa u dhigan sidan:-




Waxa hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda lagu qabanayaa munaasibad loogu baroor-diiqayo macallin Gaarriye, laguna soo bandhigayo labada buug ee Hagarlaawe (Suugaantii Gaarriye) iyo Ilmadii Hal-abuurka (55 Maanso iyo 20 maqaal oo baroor-diiq u ah Gaarriye).

Labada buug isla goobta ayaa lagu iibinayaa mid kastaana waa $20. Wakhtigu maalinta Salaasada, habeenka Arbacadu soo gelayso 08/Oktober/2013. Saacaddu waa 06:30 fiidnimo.

Munaasibaddan waxa iska kaashaday Dallada SONYO iyo Shirkadda Sagaljet. Ha u daymo la'aan inaad ka soo qaybgasho insha Allah. Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh 0634428604/0634444705/0634402360.




AHN, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa ahaa Macalin weyn oo wax soo baray in badan oo ka mid ah Aqoonyahanka Somalida, Abwaan Maanso-yahan ah oo Alle muhiibo u siiyay Curinta Maansooyinka, isagoo ahaa Ninkii Daah-furay Diwaan-ka Maansooyinka Somalida, Aqoonyahan laga ciseeyo geyiga Somalida iyo Muj Halgankii dib u xoraynta Somaliland door weyn ku lahaa.




8-bishii October ayaa lagu Aasay Xabaalaha Xeedho ee Hargeysa, waxaana Aaskiisa ka qayb-galay dad badan oo magac iyo Maamuus ku leh Dhulka Somaliya, kuwaasoo xiligaasi Taariikhdiisa nin waliba intii uu ka hayay ka tibaaxay.




Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa ka mid ahaa dadkii ay suugaanyahanada Somalida isugu dhawaayeen, waxaanu sheegay inaan Gaariye Dhiman, Muuqiisa uun Ifka laga qariyay, isagoo hadalkaasi ula jeeday inuu ka tegay Taariikh Dhaxal-gal u ah Umadda uu ka tegay.




Qoreyaal badan oo Somaliyeed ayaa xiligaasi qalinka u qaatay sidii ay wax uga qori lahaayeen Shakhsiyadisa, waxaana ka  mid ah kuwa Xaflada Berri ku soo bandhigi doona Buugaagta ay qoreen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com