Dubai(GNA)-Wasiirka Caafimaadka somaliland Dr. Saleban Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye), ayaa ku taliyay inaan la aasin Taariikhda soo jireenka ah ee mujtamaca somaliland ka wada dhaxaysa, taasoo ka soo bilaabanta xiligii Gumaysteyaashu kala qaybiyeen somaliya, isla markaana Ingiriisku qabsaday Goboladda Somaliland ee laysku odhan jiray Maxbiyadii Ingiriiska.
Saleban Ciise Axmed oo hadal ka jeediyay kulan ay Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Dubai la yeesheen isaga iyo masuuliyiin kale oo halkaasi booqasho ku jooga ,ayaa ku doodday inaan Taariikhda dalku ka soo bilaamin wakhtigii dib u xoreynta ee SNM oo sida hadalkiisa laga dhadhansanayo bulshada aanay u dhamayn, balse tirsiga Taariikhda laga soo bilaabo 1884-kii.
“Somaliland Taariikhdeedu kamay bilaamin SNM ee waxay ka soo bilaabantay 1884 oo boqol iyo sodon sano oo Taariikh ah ayay leenahay, markaa waa inaynu taariikhdeena ilaashano, taasaynu kaga bixi karnaa is-qoqobka iyo qolo-qoladda”ayuu yidhi Dr. Xaglo-toosiye.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku taliyay in la ilaaliyo xornimada dalka “waxaynu joognaa 26-ki june 1960 xoriyadii aynu qaadanay, waxa loo baahanyahay in hadii aynu la soo noqonay la wada ilaaliyo oo aan mar dambe lagu khasaarin, waxaan idinkula talinayaa inaad ka gudubtaan qabiilka, waayo qabiilka wakhtigiisii wuu dhamaaday, waxa laydiinka baahanyahay midnimo, wada jir iyo inaad dhamaantiin is-uruursataan”.
Dr. Xaglo-toosiye isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu fariin u diray Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay oo nuxurkiisu ahaa inaanay Somaliland Buuhoodle tegi Karin, waxaanu Prof. Galaydh u soo jeediyay inuu ku soo biiro nidaamka uu ka tirsan yahay ee Somaliland, kuna daydo Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo halbeeg u noqday siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboladda Somaliland ee muddo dheer ka dib ka rejo dhigay midnimada somaliya.
Xaglo-toosiye ayaa yidhi “Galaydh waa Nin weyn oo Muxtirim ah ee waxaan leeyahay Axmed Ismaaciil Samatar ku dayo oo dalkaaga u soo noqo” – “ maalin dhaweyd wuxuu yidhi Somaliland Buuhoodle ma iman karto, markaa waxaan leeyahay buuhoodle waa Somaliland, colaad dambena ka dhici mayso, markaa waxaan leeyahay dalkaagu wuu kuu baahanyahay Caliyoow kaalay”.
Bulshooyinka Goboladda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo wasiir Xaglo-toosiye ka soo jeedo ,ayaa aaminsan in Taariikhada Somaliland lagu daro xiligii gumaysiga Ingiriiska iyo Hal-gankii Xogagii Daraawiishta ee dagaalka la galay Ciidamadii Ingiriiska.
Hore ayay Bulshooyinka Goboladaasi u diideen inay qaataan Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Hoose dhexe ee Dawlada Somaliland, hadii Taariikhda SNM lagu daro, halka mujtamaca Gobolada kale ee aaminsanyihiin in Taariikhda SNM si hagar la’aan ah loogu kaydiyo Bogaga Taariikhda.
Waxaanay arimahani inta badan muujiyaan in lagu kala aragti duwanyahay muujinta Taariikhaha waddanku soo maray iyo halganadii xoreynta dalka oo qoloba si u aragto, waxaana 18 May 1991-kii Somaliland looga xusaa si ka miisaan badan 26 June 1960-kii, taasina waa mid laga dhex argo Ilaalin siyaasadeed, balse waxa daruuri ah in sida wasiirkani ka dhawaajiyay Taariikhda la wada xuso, si aragtiyaha Bulshada laysugu soo dhaweeyo.
Gobanimonews
Dubai Office
Email: editor@gobanimonews.com