Xariirad (GNA) Tan iyo saaka waabarigii ayaa waxa degaanka Xariirad Ee Galbeedka Magaalada Borame laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay samaynayaan 2 diyaardood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter-ta kuwaas oo ka soo kacaya dhinaca kale ee xadka ee Dalka Itoobiya.
Diyaaradahan oo cabsi hor leh ku abuuray dadka degaanka ayaa waxa ay ku dageen buurta loo yaqaan Lama-degaanka eek u taala dhulka xadka ah ee aanay cidi-lahayn ee u dhexeeya Itoobiya Iyo Somaliland.
Maayarka Degmada Xariirad Cumar Sh. Ibraahim Araye oo aan la xidhiidhnay waxna ka waydiinay diyaaradahan ayaa waxa uu sheegay inay la yaaban yihiin isla markaana aanay garanayn waxa sababay duulimaadyadan ay samaynayaan diyaaradaha Itoobiyaanka ahi, Maayarku waxa uu intan ku daray in uu la xidhiidhay dhinaca Itoobiya isla markaana ay madaxda Itoobiya u sheegtay inay qabaan shiki xoogan oo ku aadan dhaqdhaqaaq degaanadaasi ka socda “Ma hubo oo ma cadayn karo waxa uu dhaqdhaqaaqaasi shikiga abuuray yahay ayuu Maayar Cumar hadalka ku soo koobay”
Sidoo kale madaxda Ciidanka Milatariga ee Somaliland oo aan la xidhiidhnay ayaa iyaguna ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan ugubka ah ee argagaxa ku beertay dadka degaanka Xariirad.
Tan iyo maanta galinkii dambe ayay diyaaradahaadi ku sugan yihiin isla goobtii ay ku dageen ee buurta Lama-degaanka ee xadka ku taala.
Gobanimo-Desck