Hargeysa(GNA)-Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Arrimaha gudaha ayaa Xafiisyadooda ku soo kordhiyay Sanduuqyo bulshadu wixii talo iyo tabasho ah ku soo gudbiyaan si wax looga qabto, talona looga qaato cidii cabasho soo gudbisa iyo qofkii talo soo jeedin ku soo bandhiga.
Talaabadan oo ugub ku ah Xafiisyada dawlada iyo kuwa Hay’adaha kale ee aan dawliga ahayn, ayaa wasaaradduhu hindiseen, xili Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji laba bilood ka hor shaaca ka qaaday inuu Mareeg cusub oo ay Bulshada ku wada-xidhiidhaan ka sameystay Internet-ka taasoo ahayd arin si weyn loo soo dhaweeyay.
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa Albaabkeeda hore ku samaysay sanduuq yar oo dusha laga qoray Sanduuqa talo-bixinta, kaasoo loo sameeyay dalool yar oo loogu talo-galay in waraaqaha lagaga rido, waana saxarad ka sameysan Aluminum.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ayaa Gobanimonews u sheegay in todobaadkiiba hal sanduuqaasi la furo, ka dibna laga saaro wixii macluumaad ah ee bulshadu ku soo gudbiso, waxaanu intaasi ku daray in macluumaadka halkaasi lagu ridaa toos u gaadhaan Wasiirka Wasaaradda iyo masuuliyiinta kale ee waaxyaha Wasaaradda.
Geesta kale , Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa intii uu xilka hayay, xafiiskiisa ku hor sameeyay Sanduuq la mid ah kan Wasaaradda qorsheynta, waxaanu sheegay inuu ugu talo-galay inay shacbigu u soo mariyaan tabasho iyo talo wixii ay hayaan (Maxaad tebaysaa ee kugu taagan).
Waran-cadde oo horgelinta sanduuqan ka hadlaya ayaa yidhi “Xafiiskayga waxaan ka hor sameeyay Sanduuq talo soo jeedinta lagu rido, iskaa daa Nin Oday ah oo Talo wade, in dadka caadiga ah ee suuqa joogaa sanduuqaa wixii talo ah ku ridaan, si aanu u ogaano tabashada hoose ee bulshada dabadeed wixii aan wax ka qaban karo aan ka qabto, wixii kalena qaranka ugu gudbiyo, sidaa awgeed waxaan leeyahay soo dhawaada dadka, saaxiibayaashaydana soo dhawaada ayaanu leenahay”.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ Anigu waan iibsadaa talada oo lacagbaaban ku bixiyaa,wax kalena kama shaqeeyo, markaa maxaan ku diidayaa Nin talo bilaash ah ii keenaya”.
Bilowga xarumahan cid walba u furan, jirina qof laga takoorayo ee ay Wasiirradu u sameysteen in Bulshadu kala soo xidhiidho ama baahidooda ugu soo gudbinayaan, ayaa Dhamaystirkeedu meesha ka saarayaa cabashooyinka shacbiga ee ku saabsan wada socod la’aanta madaxda iyo Mawaadiniinta ay adeegayaasha u yihiin.
Laakiinse hadii aanay dadka dariiqan u maray tabashoodu jawaab ka helin cidda ay waceen ama dhambaalkoodu khuseeyo, waxa muuqata inaanay wax macno ah samaynayn hir-gelinta hindisahani.
Inkasta oo la odhan karo wali Bulshadu lamay qabsan qaabkan cusub ee ay fariimaha ugu gudbinayaan Madaxdooda ,hadana waxa xaqiiqo ah in marista dariiqaasi ay ku khasbayso waayo aragnimo dadka qaarkii ka haystaan caqabadaha qofku kala kulmo marka uu doonayo inuu baahidiisa toos u gaadhsiiyo Wasiirka ama masuulka uu rabo.
Wasaaraddaha iyo xafiisyada kale ee dawlada ayaa inta badan lagu arkaa dad-weyne ka cabanaya arimo kala duwan oo tabashadooda la baafinaya Masuul albaabka Xafiiskiisa Askari qori sita iyo Xoghayn canaan ka yaab ahi joogaan, kuwaasoo aan la kulanka masuulka u ogolaan cid aanu isugu dalban.
Tani waa mid si joogto ah uga dhacda xafiisyada aan xusay, waxaanay dad badan ku beertaa cuqdad iyo calool xumo Cadaalad daro qofku ku tirisado, marka ay duruufahaasi jiraana waxa meesha ka baxaya hawaysiga in Madaxda la kulankoodu sidan yahay ay talo ka helaan bulshada ay adeegayaasha u yihiin.
Sidoo kale ka qayb-qaadashada Bulshadu talooyinka ku badhitaarayaan shaqada dawlada, ayaa ah mid ay u gaajeysanyihiin tirada ugu badan ee shacbigu, waxaanay taasi dadka qaar ku abuuraysaa Kalsooni iyo Yihdi-diilo qofka niyadiisa dhisaysa, halka ay dhinaca adeegayaasha shaqadooda ka saacidayso.
Masuuliyiinta dawlada , xataa kuwa haysta hay’adaha garsoorka ayaa loo baahanyahay inay hir-geliyaan xarumaha talo soo jeedinta Bulshada ee ay wasiiraddani horseedeen, waxaanay taasi door weyn ka qaadanaysaa isku xidhnaanshiyaha iyo xogogaal isu noqoshada Bulshada iyo Masuuliyiinta dawlada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com