Pages

Sunday, September 8, 2013

roob aad u xoogan oo ka da ay degamad boon ee gobalka awdal ayaa sababay khasaare hantiyeed oo badan


GOBANIMO NEWS{BORAMA}Roobab xoogan oo ka da’ay degmada Boon ee gobolka Awdal ayaa sababay qasaare baahsan oo u badan burbur hantiyeed, roobabkan oo da’ayay mudo saacado ah ayaa waxa ay wateen dabaylo xoogan oo iyagu ahaa kuwa sababay qasaarahaasi baahsan.




Xil. Rooble Muuse Xoosh oo laga soo doortay degaankaasi ayaa waxa uu yidhi “Roobabkaasi ma gaysan qasaare nafeed oo dadka iyo xoolaha ah, balse waxa ay gaysteen qasaare hantiyeed oo aad u baahsan, gudaha magaalada waxa ay dayrka ka dumiyeen dhawr guri, sidoo kale waxa ay jiingadii kala tageen guryo kale oo ilaa tobaneeyo ah, waxa intan dheer oo jirta in qasaaraha ugu badani uu ku habsaday dadka barakacayaasha ah ee degen magaalada koonayaasheeda"




Yaasiin Xasan Daahir oo ka mid ah dadka degaanka Boon oo saxaafada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka ayaa u cabiray xaalku sida uu ahaa waxana uu yidhi “Roob xooggan ayaa mar kaliya afarta jiho iska soo qabsaday, waxa uu watay dabayl xoogan, onkod iyo hilaac cabsi badan, waxay ahayd galab, qofwalbana meeshii uu ku sugnaa kama dhaqaaqin sababta oo ah dabaysha roobku watay ayaa ahayd mid xoogan oo aan qofna u ogolaanayn inuu meeshiisa ka baxo, waxa aan qirnay in roobkani qasaare gaystay, waxana saacado kadib aan ku war helnay qaylo xoogan oo ka imanaysay dhinaca ay degenaayeen dadka barakacayaasha ahi, "




XIl. Rooble ayaa mar kale si wayn uga dayriyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakacsan ee ay roobabkaasi waxyeeleeyeen, waxana uu yidhi “Waxa ay ku sugan yihiin xaalad aad u adag waxa ay markii hore ahaayeen dad ka soo barakacay degaamo badan oo Boon ku hareeraysan oo ay ka mid yihiin, Sh. Awaare, Fiqi-aadan, Xaliimaale, Jidhi iyo degaano kale, dadkaaasi oo markii horeba ay xoolahii ka dhamaadeen ayay hadana roobabku kala tageen guryahii cooshadaha ahaa ee ay degenaayeen ilaa hadana xaalkoodu waa mid liita oo aan helin wax gargaar ah”




Xil. Rooble waxa uu xusay in xukuumada iyo hayadaha kale ee gergaarka aanay jirin wax ay soo gaarsiiyeen degaanadaasi waxana uu yidhi ”Ma jiraan wax gargaar ah oo soo gaadhay degaanadan ay roobabku qasaarada soo gaarsiiyeen marka laga reebo wax aan badnayn oo dadka degaanku ay iska uruuriyeen oo ay ugu talo galeen gurmad ahaan, tanina ma aha mid cusub, waxana jirta in ay xukuumadu marar badan hakratay degaanka Boon, dhibtuna waxa ay tahay inay laba gobol u dhaxayso Boon, dhaliisha ugu wayna waxa iska leh Badhasaabka gobolka Salal Cabdilaahi Qulujeed oo isagu xukuma Boon, hadana waxa uu ku haleeyaa Boorama, waxana uu yidhaa Boorama ha looga soo gurmado, taasina waa mid aad u guracan oo Boon ka dhigtay mid laba qar u qaybsantay”




Wariye mustafe caraale




Gobanimo news




borama office