Ceerigaabo(GNA)-Magaalada Ceerigaabo wali waxa ka socda hawl-gal lagu bedelayo lacagta shilin somaliga ah ee gobolka Sanaag laga isticmaali jiray, taasoo maalintii khamiista si rasmiya Bangiga dhexe ee Somaliland u bilaabay qorshe 48 saacadood lagaga bedelayo gudaha Magaalada iyo deegaamada ku hareeraysan.
Hase ahaatee wararkii ugu dambeeyay ee hawshan la xidhiidha waxay sheegayaan in wakhtigii loo qabtay lacag sarifka la kordhiyay, Ganacsatadii lacagta sarifeysay qaarkood jabiyeen heshiiskii ay baanka la galeen, isla markaana qaarkood lacagtii Somaliland ee lagu wareejiyay u iib geeyaan Burco iyo in dad ganacsato ah oo lagu qabtay iyagoo wax ku iibinaya lacagta somaliya la xidhay.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland iyo xubno ka mid ah waxgaradka Magaaladu, ugu yaraan laba Nin oo Ganacsadeyaal ah oo lacagtii la bdelay lagu qabtay ayaa xidhan.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in qaybo ka mid ah magaalada wali lacagtii somaliya laga sii isticmaalayo, hase ahaatee Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in dawlad ahaan lacagta qudha ee ay aqoonsanyihiin ee sharciga ah, isla markaana cashuurta iyo Ganacsiga loo isticmaali karaa ay tahay shilinka Somaliland laga soo bilaabo maalintii shalay oo Jimce hayd, wuxuuse guddoomiyuhu intaasi raaciyay inay wakhtiga u kordhiyeen maanta cidii lacagi wali gacanteeda ku sii hadhay.
“hawshaa lacag ka bedelku way guulaysatay , waxaana sharci ah oo Magaalada ka shaqaynaysa lacagtii somaliland, taasaa cashuurta, lagu qaadayaa, Shaaha lagu cabayaa, dadku ku adeeganayaan,qofkii lagu qabto lacagta somaliya isagoo isticmaalayaana waa dambiile, laakiinse dadku waxay ka sarifan karaan oo wali jeebkooda wax ku sii hadheen Sarifleyaasha oo iyagu u bedelaya qofkii lacagtaa haysta, sarifleyaashuna Baanka ayay Dollar keenayaan oo ay lacagta somaliland ka qaadanaayan”sidaasi waxa yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo Caawa khadka Telefoonka ugu waramay Mareegta Gobanimo News Agency.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dad Ganacsato ah oo lagu qabtay la xidh-xidhay iyo inuu Maanta wakhti dheeraad ah amray in lagu daro xiligii loo asteeyay hawsha lacag bedelka, isagoo dhanka kalena Sharaxaad ka bixiyay waxa ay ku kala duwan yihiin habkii Magaalada Burco looga bedelay lacagta Giimbaarta ah iyo tan Ceerigaabo ka socotaa .
Waxaanu yidhi “way jiraan dad Ganacsato ah oo la xidh-xidhay oo lagu qabtay iyagoo lacag somaliya wax ku iibinaya, waayo waxay jabiyeen go’aankii aanu siinay, waxana annagu waxaanu ugu talo-galnay inay mudo ku dhamaato, mudadii markii ay dhamaatayna saaka waan u kordhiyay oo waxaan amray in Baanku wixii cusub ee yimaada ka bedelo oo sarifleyaashii iyo Ganacsatadii hawsha waday sii shaqeeyaan”.
Waxaanu intaasi ku daray “Lacagtan Ceerigaabo laga bedelayaa maaha mid sidii tii Burco Gadoon ku jirta e waa lacag ilaa meeshii lagu soo daabacay daba isa soo haysata, markaa annagu waxaanu ugu talo-galnay uun in meesha lacagta Somaliland sharci ka noqoto oo aan lacag kale lagu isticmaalin, tiina way suurto gashay, markaa sarifleyaashu hadii ay qaadanayaan dee waxay ka soo bedelan karaan oo u furan dhulka kale ee ay ka shaqayso, annaguse bangi ahaan waxaanu qaadanaynaa waa shilinka Somaliland iyo Dollar”.
Cabdi Dirir Cabdi ayaa sidoo kale Gobanimonews faahfaahin ka siiyay Xadiga lacagta loogu talo galay in hawshan lagaga fuliyo Magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda, waxaanu sheegay in qadarkii lacageed ee ay ugu talo galeen mid ka badani ku baxday, balse muhiimadda ugu weyni ay tahay sida uu ku dooday guusha laga gaadhay.
“Hawshan daraasadii aanu sameynay waxaanu ugu talo-galnay inaanu ku fulino lacag gaadhaysaa ilaa 3 Bilyan oo Shilinka Somaliland ah,oo u dhiganta $250,000, laakiinse runtii qorshihii aanu ugu talo-galnay laba jibaarkeed ayaanu sarifnay oo waxaanu geynay lacag gaadhaysa ilaa $450,000 ( Afar iyo Konton kun oo Dollar), markaa waad dareemi kartaa baaxada hawshaasi leedahay”ayuu sheegay.
Geesta kale mid ka mid ah dadka la socda dhaqdhaqaaqa mashruucani Gobolka ku soo kordhiyay ayaa Gobanimonews u sheegay in caqabadaha hawshan bar-bar socda ay ka mid yihiin, Ganacsatadii Lacag bedelka loo xilsaaray oo dib uga baayacmushareeyay lacagihii loogu dhiibay si ay Lacagta bedelaan, Deegaamada in lacagta laga bedelo loogu talo-galay ee ceerigaabo ka fog-fog oo wakhtigu u saamixi waayay inay mudadii loo qabtay ku soo gaadhsiiyeen Magaalada iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Sanaag oo wali lacagtii la bedelay ka soo qul-qulayso.
Shirkaddaha qaadka ayaa diiday shalay isticmaalka lacagta cad ee somaliya, saakase way aqbaleen iyagoo qiimaha lacagta somaliya marka wax lagu iibinayo lagu kululeeyay dadka, sidoo kale Badeecadaha qaarkood ayaa wali lagu sii gadayaa shilinka somaliga,sida uu sheegay Nin Magaciisa Maxamed ku sheegay oo hawshan u dhabo galay.
“Qayb ka mid ah Magaalada way ka dhaqan gashay ayaa la odhan karaa lacag bedelku, qaybna wali waxa lagu isticmaalaaya tii hore, waxaana jira tiro ganacsato ah oo la xidh-xidhay , ka dib markii lagu qabtay iyagoo lacagtii hore wax ku iibinaya, kuwo kale oo waxa jira iyaguna meheradahoodii u xidhay jahawareerkan ka dhashay lacag ka bedelka”ayuu yidhi.
Si kasta ha ahaatee dhamaystirka talaabadan Dawladu qaaday ee lacag bedelka , ayaa ah mid aan wali laga faraxalan oo socota.
waana arin boqolkiiba sideetan ka mid ah Bulshada deegaanku soo dhaweysay bilowgeedii, balse jiritaanka warar isa soo taraya oo sheegaya in Gobolo ka baxsan Somaliland laga soo daabulayo lacag shilin Somali ah oo laga bedelanayo ceerigaabo, taasoo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland beeniyay, ayaa ah arin hadii ay timaado caqabad dhaqaale iyo jahawareer abuuraysa.
Magaalada Ceerigaabo ayaa xarun u ah Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu balaadhan Somaliland, kaasoo soohdin la wadaaga Goboladda Puntland, isla markaana baaxad aad u balaadhan xeebta ku dhereran, waana sababta dadka arinta dhaliilayaa uga dar-daar warinayaan natiijada mashruucan dhaqaalaha Gobola iyo noloshaba saameynaya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com