GOBANIMO NEWS{BORAMA} Gudoomiyaha Gobolka Awdal iyo taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka ayaa maanta si wada jir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay kaga warbixinayeen aafada baahsan ee tahriibka dhalinyarada Somaliland uu marayo gaar ahaan Gobolka Awdal.
Taliyaha laanta socdaalka Gobolka Awdal Mudane maxamed Cilmi Salsal oo ka hadlaya arintaas tahriibka ayaa waxa uu yidhi”Tahriibayaasha waxaa uhorta u badan caruurta ka soo tahriibaysa Laasacaanood, Burco ,Berbera ,Hargeysa,Gabiley iyo Boorama intuba waxa ay soo dhex maraan jidka iskaga gudbaya Garayacawl Iyo Awbare iskaga Gudbaya.
Dhanka kale taliyaha oo ka hadlayay tirada dhalinyara ah ee ay soo qabteen ee ay ka badbaadiyeen khatarta tahriibka ayaa sheegay in ay soo qabteen dhawaan 412 Wiil Gabdhahana waxa uu ku sheegay 35 Gabdhood ,waxa uuna ugu danbayn la dardaarmay taliyuhu da’yarta oo uu sheegay in ay ay dhulkooda ku samraan oo ay iska daayaan khatartan ay badheedhayaan ee ay naftooda ku haligayaan.
Sidoo kale waxaa isna saxaafadu wax ka waydiisay isaga oo xafiiskiisa ku sugan gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Cabdoo Aayar oo inta badan ah mid aan gobolka Joogin oo u dhaxeeya Boorama Iyo Hargeysa wax badana ka ogayna xaalka dhalinyarada tahriibaysa ayaa waxaa uu isna yidhi.”Waa Aafo qaran ayay horta noqotay dalkeena waayo da’yarteenii ayaa ku dhimanaysa Saxaraha,iyo baddaha .
Isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu sheegay”Gobolkani waxa uu ahaa waqtiyadii hore mid ka yar gobolada dhinaca tahriibka maxaa yeelay da’yartu waxa ay ahaayeen kuwo ku baratami jiray aqoonta laakiin da’yartii markii ay jaamacaddihii dhamaysteen ka dibna aan shaqo galin taasina waxa ay keentay in da’yartii marka ay shaqo waayaan sidaas tahriibka u bilaabaan.”‘
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in xukuumada Axmed Siilaanyo awoodeeda Shaqo Abuur ay koobantahay Ayse haboontahay in da’yartu dhulkooda ku samraan.
Si kastaba ha ahaatee aafada tahriibka ayaa ah mid aan wali xal loo hilin iyadoo aan haba yaraatee aan laga war hayn meel ay ku danbeeyeen gudidii uu madaxwaynaha somaliland u magaacabay ka hortaga tahriibka iyo shaqo abuurka dhalinyaada somaliland
Wariye Mustafe caraale
Gobanimo news
borama office