Pages

Sunday, September 8, 2013

Xabxabka Oo La Ogaaday In Uu Miisaanka Badan Uu Dhimo Ama Yareeyo!!


(GNA) Fariintan waxa ay ku socota dadka jecel in miisaankooda ay yareeyaan, gaar ahaan dumarka.




Daraasad iyo cilmi baaris caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in isticmaalka xab xabku  uu yahay mid wax weyn ka taraya in miisaanka jidhkaagu noqdo mid hoos u dhaca, adiga oon wax gaajo ah dareemin.




xab xabka ayaa lagu sheegay inuu leeyahay kuleyl yar oo gubi kara xeydha, waxaana miisaankaagu u yaraanayaa si caafimaad ku jiro, adigoon wax gaajo ah dareen, una baahneyn in aad cuntada iska joojiso ama yareyso, sida dadka badankood ay sameeyaan marka ay barruureystaa oo culus dareemaan.




Hadii aad dooneyso in miisaankaagu si fudud ku yaraado, isticmaal cabida xabxabka maalin walba, adigoo shiidanaya ama cunaya hal kiiloo garaam.




Dad badan oo sameeyay arintaan ayaa sheegay in maalmo koobaan 3-ilaa 5-kiilo jirkooda ka degtay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wax gaajo ah aaney  dareemeynin marka aad xabxabka  cunto mudo 12-saac ah.




Diyaariye:Askar




Gobanimonews.com