Pages

Wednesday, June 19, 2013

Russia oo kasoo horjeesatay qorshaha xanibaada cirka ee loo ololeynaya in la saaro xukuumada Syria.


(GNA) Dowladda Russia ayaa si cad kaga soo horjeesatay dowladdaha iyagu qorsheynaya in xanibaad dhanka duulimaadka cirka ah lagusoo rogo dowladda Syria.
Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibedda dalka Russia Alexander Lukashevich ayaa shir saxaafadeed uu qabtay kaga warbixiyay in dowladda Russia ay marna ogolaan doonin fara gelinta dad dhexdooda ishaysto.
“Waan aragnay tusaale ahaan dalka Libya sidii looga dhaqan geliyay cuna qabateeyntii duulimaadka cirka iyo natiijooyinkii kasoo dhashay.
“Ma dooneyno inaan kusoo celcelino hadaladaan quseeya Syria waa howl iyagu utaal in ay ka xaajoodaan.
Dowladda Russia ayaa aalaba waxa ay kasoo horjeesataa go,aamada degdega ah ee lagu qaado dalalka ay markaasi ka jiraan colaada dhexdooda ah .