Nin lagu Magacaabo Tom Fell Stilwell oo (20-jir ah), una dhashay ama ka soo jeeda degmada Brighton ee dalka Ingiriiska, ayaa mar kaliya la arkay isaga oo cirka ka qaylinaya kana soo duulay dabaqa shan iyo tobnaad ee fooq uu degan yahay.
Ninkan ayaa sida la sheegay hurdo ka soo kacay Wakhtiga uu dabaqa shan iyo tobnaad ka soo dhacay, waxaanu doonayay in uu gaaro qol kale oo ku xigay, kaas oo gidaar aan meel la fuula lahayni u dhexeeyay.
Haweenay lagu Magacaabo, Beth Godwin, oo u warantay Shabakada (ANZ Fairfax News), ayaa sheegtay in ninkaasi ku dhacay dabaqa labaad ee dhisme ku hoos yaallay fooqaas, taas oo ka dhigaysa in shan iyo toban daqab uu ka soo dhacay.
Gabadhan ayaa sheegtay in ninkaasi ka jabay, dhabarka, isla markaana ay soo gaareen jajab iyo bur bur ku dhacay lafihiisa, laakiin ay xaaladiisu ka soo raynayso oo laga yaabo in muddo todobaad ah uu ku ladnaado dhaawaca gaaray.
Dhinaca kale Jariirada (New Zealand Herald), oo xiganaysa dhakhtar lagu magacaabo, Dr. Tony Smith, oo isagu ka shaqeeya cusbitaalka ninkaas lagu dawaynayo ee (Hospital of Saint John), ayaa wargeyska u sheegay, in qof ka soo dhacay dabaq ama meel sidaa u dheer isaga oo aan wax badbaado ah haysan ama aan ku talo galin ay aad u adag tahay in uu ka badbaado oo uu noolaado, laakiin xaalada ninkani tahay mid aad uga yaabisay dadka.
W/Q. Faysal Maxamed Xasan