Pages

Wednesday, June 19, 2013

Maxamuud Gahayr: Ma jirto Shidaal yaraan Somaliland ka jirta, waxaana Jooga laba Markab oo Shidaal Shubaya






Berbera(GNA)-Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Dawlada Somaliland meesha ka saaray inay dalka ka jirto Xaalad shidaal yaraan ah, a dib markii  Qaar kamida Kaalmaha ka ganacsada shiidaalka ee Somaliland maalmahan hadal hayeen in shidaal yaraani soo food saartay dalka.




 Maxamud Gahayr Ismaaciil oo ah Maamulka Haamaha shidaalka Berbera, ayaa sheegay  inaanay waxba ka jirin Wararka ay Qaar kamida Kaalmaha shiidaaku suuqa marinayaan,ee shidaal yaraanta muujinaya.




Maamulaha oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Berbera ayaa cadeeyay in Haamaha Shidaalka uu shiiidaal badan oo dalka ku filani  ku jiro, kaasoo isugu jira Patrol iyo Naafto,isagoo geesta kale waxa uu Maamuluhu sheegay in Laba markab oo shiidaal sidaa Hada ku shubayaan haamaha oo dhuumaha shiidaalka qaada ee Haamaha Tagan yihiin shaqadii shubida shiidaalkuna ay socoto,




Mar uu maamulaha haamaha Shiidaalku Faahfaahinayay dhawaaqa kaalamaha qaarkooda ka soo yeedhayna waxa uu ku micneeyay in ay dacaayad tahay ama shaqsiyaadka hadaladaa suuqa marinayaana ay yihiin kuwo dano gaar ah  wata, amase doonaya inay Qiimaha Shidaalka koristaan.




Maxamud Gahayr Ismaaciil waxa kale oo uu  uga digay mulkiilayaasha kaalmaha inay kordhiyaan Sicirka, yada oo aanay jirin shiidaal yaraan dalka ka taagani,




Waxa kale oo Maamulaha haamaha shiidaalka berbera intaasi ku daray in aanay marnaba ogolaan doonin in shacbiga reer Somaliland shiidaalka qiimihiisa kor loogu kiciyo iyada oo aanay jirin shiidaal yaraani, jirina hada meel uu aduunka shiidaalku ka kacay.




 sidoo kale maamulaha haamaha shiidaalka Berbera  Maxamud Gahayr Ismaaciil waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadayaan shaqsiyaadka ama kaalmaha shiidaalka iibiya ee Dacaayadaha beenta ah fidinaya ee doonaya in ay shiidaalka shacbiga masaakiinta ah ku kiciyaan qiimihiisa,




Sikastaba ha ahaatee waxa baryahan danbe laga raystay oo aan marnaba la maqal shiidaal yaraan dalka soo waajahda, iyada oo shirkadaha ka ganacsada shiidaalka ee dalka keenaana ay si hagar si isdaba jooga maraakiibta shiidaalka sida usoo xidhaan




Mohamed Abdillahi Farah(Soofadhiiste)




Gobanimonews




Berbera office




Soofadhiiste@hotmail.com