(GNA) Muran ka dhashey xarun caafimaad oo ku taala St. Louis ayaa sababtey dhimashada afar qof oo badankood Soomaali ah, kadib markii ninkii iska lahaa xaruntaas muran dhexmaray isaga iyo shaqaalihii waxaana uu diley nin iyo laba gabdhood oo la aaminsan yahay in ay goobta shaqaale ka ahaayeen.
Dilka ayaa ka dhacay AK Home Health Care LLC, Ninka dilka gesytey ayaa ugu horeyntii diley nin kale, kadibna waxaa uu diley laba gabdhood, waxaana uu ku soo jeestey naftiisi oo waxa uu isku dhuftey xabbad uu u dhintey. Sidaas waxaa warbaahinta u sheegey Michael Sack oo ka tirsan Booliska ST.LOUIS.
Masuuliyiinta St.Louis ayaa sheegaya in ninka dilka geystey uu ahaa ninkii iska lahaa Xarunta caafimaadka, ama uu ahaa mulkiilihii hore oo laga gatey, halka saddexda qof oo kale ay ahaayeen shaqaale.
Michael Sack oo ah sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegaya in aysan garanayn falkaan waxa uu la xiriiro weli. meher kale oo ganacsi oo ku dhaweyd xarunta caafimaadka ayaa laga maqley rasaasta kadibna waxa ay u yeereen Booliska. Boolisku waxay weli wadaan baaritaan, waxayna hayaan qorigii dilka loo isticmaaley.
Booliska ayaa goor danbe oo maanta ah shaaciyey magaca ninka dilka geystey iyo qaar kamid ah dadki uu diley magacyadoodi, waxaana ninka dilka geystey lagu sheegay Axmed Dirir oo 59 jir ah, la aaminsan yahay in uu ahaa mulkiila Xarunta Daryeelka caafimaadka, ama uu wax ku lahaa, Waxaana uu diley ka hor inta aanu is dilin Khadra Muuse oo 44 sano jir ah, Siciid Cabdulle oo 29 jir ah iyo haweenay kale oo da’deeda lagu sheegay 54 jir, waxaana la sheegayaa in gabadhan aysan Soomaali ahayn oo u dhalatey Dal kamid ah kuwa Aasiyada Fog ku yaala.
Dadka dhintey iyo ninka wax diley ayaa la sheegayaa in ay hal qoys ka soo wadajeedeen isla markaana xidid iyo qaraabo ka dhexeysey.
Falkan ayaa noqonaya mid naxdin ku ah dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan dalka Maraykanka. Dalka Maraykanka waxaa ku badan dadka inta ay dad kale laayaan kadibna iyagu is dila.
St. Louis ayaa ah magaalo madaxbanaan oo ka tirsan Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.