Pages

Friday, June 14, 2013

Ceerigaabo oo Mudaharaad ka dhacay iyo Cali Siciid oo Damba-besay Dhaliilaha Dul Wadhan


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali siciid Raygal, ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay halka ay marayaan ciyaaraha Goboladda Somaliland, xili uu Maanta Mudaharaad ka dhan qaabka loo qiimeeyay Kooxaha u soo baxay Wareega labaad ee Ciyaaruhu ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.




Muharaadkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal ruux oo ka mid ah Taageeerayaasha Xulka Kubadda Cagta Gobolka Sanaag iyo Bulshada rayidka ah, ayaa lagu diidanaa qaabka loo reebay Kooxda ku ciyaaraysa Magaca Gobolkaasi oo la filayay inay soo baxdo, balse lagu reebay Gool-tirsi, Gobolka Selel oo ay isku dhibco noqdeen Group-ka ay ku jirtay.




Mudaharaadyaasha ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid Cadaalada ka fog oo aan la aqbali Karin, waxaanay ku baaqeen inay Wasaaraddu dhakhso uga laabato go’aanka lagu reebay Xulka Gobolkooda.




Dadka mudaharaadka dhigay oo dhalinyaro ku badnaa ayaa ku hanjabay inaanay ka qayb-galayn Imtixaanka shahaadiga ah ee Beri ka furmaya Goboladda, isna hortagayaan in imtixaankaasi la geeyo Goobaha Waxbarashada ee Magaalada Ceerigaabo.




Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali siciid Raygal oo maanta Xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay inay si nabdoon u socdaan tartamada Ciyaaraha gobolada, rejaynayaana inay sidaasi ku dhamaadaan “Ciyaaraha Goboladu si wanaagsan ayay u socdaan, waxay marayaan meel fiican, waxaanan rajeynayaa inay sidaa nabad-gelyada ah inoogu dhamaadan”ayuu sheegay.




Cali Siciid Raygal, ayaa xusay inay culayskooda leeyihiin Ciyaaruhu, balse Wasaarad ahaan ay u dhabar adeygayaan marti-gelinta Ciyaaryahanada, Taageerayaashooda iyo Maamulka goboladda ee ka soo qayb-galay tartanka “13 Gobol ayaa ciyaaryahanadoodii joogaan, waxa ka soo qayb-galay Ciyaarahan oo 500 oo qof oo isugu jira Ciyaaryahano, Taageerayaal iyo maamulka Goboladda ay kala socdaan xulalku, hadaan eegno  500 qof 403 waa Ciyaaryahano, 97 kalena waa masuuliyiinta Goboladda iyo madaxda Wasaaradda ee Goboladda”.




Ciyaaraha goboladda ayaa ka socda Garoonadda Hargeysa Staduim iyo  Timacadde, waxaana jira dhaliilo badan oo dhinaca maamulka Wasaarada loo soo jeedinayo, gaar ahaan Wasiirka iyo Masuuliyiinta ka hooseysa.




 Dhaliilahaasoo isugu jira maamul xumo iyo faro-gelin kaga timi Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ay ka aqbaleen Ciyaarahano Khalad galay oo kulamada ciyaaraha inta laga saaray, dabadeed ay dib ugu soo celiyeen ka dib markii xubno ka mid ah golaha wasiiraddu ku khasbeen in loo ogolaado ciyaaro laga fadhiisiiyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office