(GNA) Waxaa maanta oo Jimce ah albaabada loo furey gooabaha ay dadku codkooda ka dhiibanayaan dalka IRAN, waxaana qofka u horeeyey ee codkiisa dhiibtey uu ahaa hoggaamiyaha ruuxaaniga ah ee Ayotolla Ali Khumeyni.
Ku dhawaad 5.5 milyan oo codbixiye ayaa xaq u leh in ay ka qaybqaataan doorashada Madaxweynaha ee dalka IRAN, waxaana ay dooranayaan Madaxweynihii beddeli lahaa Axmedinejad oo aan sharcigu u oggolaaneyn in uu mar saddexaad is sharixi karo.
Dadka ayaa kala dooranaya 5 musharax oo muxaafid ah iyo hal musharax oo oo dhex-dhexaad isbedel doona ah, Hassan Rohani ayaa ah musharaxa keliya ee isbedel doonka ah. Musharixiinta waxaa oggolaada musharaxnimadooda golaha Korjoogayaasha (The Guardian Council)
Ayatolla Ali Khumeyni ayaa ka hor inta aanu codkiisa dhiiban dadka kala hadley telefishanka, waxa uu sheegay in ay muhim tahay in dhamaan dadku ka qaybqaataan doorashada, “dalkeena qaaliga masiirkiisu gacmihiina ayuu ku jira ayuu yiri.
Iyada oo ay kor u kacayaan dadka doonaya in ay ka qaybqaataan doorashadan, ayey haddana si weyn uga wel-welsan yihiin in codkoodu isbedel u keeni karo.
- Markii hore maan dooneyn in aan ka qaybqaato doorashada, doorashadu maaha mid xor ah dalkeyga. Waxaan isbedalay markii aan arkey dad isbvedel doon ah oo dariiqyada tehran ka wada olole, dadku waa ka daaleen in ay isbedel ku helaan codkooda, waxaan u codeyn Rouhani, sidaas waxaa tiri Mona oo ah rdayad dhigata Jaamacadda mar ay u waramaysey Joornaalka The Guardian.
Musharaxa hela codadka ka badan 50% ayaa noqonaya Madaxweynaha IRAN, inkasta oo aan taas la fileyn ayaa la filayaa in doorashadu mari doonto laba wareeg, oo labada Musharax ee ugu codbadan 6 musharax ee hadda taagan ay isku arki doonaan wareega labaad ee doorashada.