Pages

Saturday, June 15, 2013

Magacyada Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Dalka Naamiibiya Siyaabo Kala Duwan Loogu Xidh-Xidhay Oo Ay Ku Jiraan Dhalinyaro Somaliland U Dhalatay..


(GNA) Wararka aan ka heleyno Dalka Naamiibiya oo dhaca Koonfurta Qaarrada Afrika ayaa sheegaya in dhawaan halkaasi lagu xiray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka baxsatay tacadiyada iyo dhibaatooyinka Soomaalida loogu geesto Dalka Koonfur Afrika.




Dadkan la xiray ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ilaa 8-qof kuwaa oo ka baxay Dalka Oonfur Afrika iyagoona qorsheenayay in ay galaan Dalka Naamiibiya ayna uga sii gudbaan Dalka Angola si ay halkaasi uga helaan nolol iyo amaan dhaama tan Koonfur Afrika.




Magacyada Dadka la xiray ayaa waxaa kamid ah




Maxamed Cabdi Siyaar oo 28 jir ah,
Maxamed Xasan Cabdulle oo 41 jir ah,
Cismaan Cabdi Sakariye oo 23 jir ah,
Cabdalla Cismaan Faarax oo 26 jir ah,
Kaafi Cali Xasan oo 24 jir ah,
Maxamed Cali Jin oo 28 jir ah,
Maxamed Ciise oo 47 jir ah iyo Abuubakar Salle.




Soomaalidan hada ku xiran Dalka Naamiibiya ayaa lasoo taagay maxkamad si loogu qaado dambiga loo heesto oo ah in dalkaasi sharci daro kusoo galeen balse dacwadooda ayaa maalmo dib loo dhigay waxaana la filayaa in maxkamadeyntooda ay dhacdo 21-ka bishan June.