Pages

Saturday, June 15, 2013

MADAXWEYNAHA DALKA SUUDAN OO BOOQASHO 3-MAALMOOD AH KU TAGAY XARUNTA ERITAREEYA EE ASAMARA.


(GNA) Cumar Albashiirka dalka Suudaan ayaa maanta ka degay Asmara halkaaso oo uu ka bilaabay booqasho 3 maalmood ah. Albashiir oo ay wahiliyaan xubno ka socda dawladiisa ayaa wadahadal la yeealn doona Afaworqi iyo saraakiil xukuumada Eritareeya ah.
Labadan wadan ayaa heshiis ay dhawaan gaadheen ku joojiyey taageerada ay kala siin jireen kooxaha mucaaridka ah ee saldhigyada ku laaha wadamadooda.
Wakaalada wararka ee Suudan ayaa xustay in labada dal ka xaajoon doonaan xidhiidhka ka dhaxeeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.
Qaar kamid ah wargaysyada dalka Suudan ayaa qoray in Eritareya diiday codsiyo ka yimid jabahada ku kacsan Suudan oo doonayey in xukuumada Asmara sii wado taageeradii ay siin jirtay.




Dawlada Eritareeaya ayaa ku jirta go’adn xagga diblamaasiyada ah iyada oo cilaqaadka ee la wadaagto wadamada darsiska ahi uu aad u liito.




Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa Eritareeya saartay cunaqabateen kadib markii lagu eedeeyey in ay taageerta kooxaha mintidka ah ee ka dagaalama Soomaaliya. Eedeymaha noocan ah ayey dawlada Asmara gashaanka ku dhufatay.




Xukuumada Suudaan ayaa lagu eedeeyey in ay mucaardka Eritareeya si xun ula dhaqato islamrkaana xubno kamid dadka lidka ku ah Afaworqi u galiso gacanta xukuumada Asmara
 Dalka Eritareeya ayaa u arka dalka Suudan in uu kaga gudbayo go’odoonka uu ku jiro isaga oo doonaya in wadamada kale qaatan talaabadan oo kale.
Dawlada Itoobiya ayaa dhawr jeer ku eedesay Eritareeya in qas ka wado dalkeeda iyadaa oo sheegtay in qaraxyo dhawr ah oo ka dhacay dalka laga soo malaeegay dhanka Asmara