Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama oo maalinimadii Arbacada ahayd Khudbad kasoo jeediyey Fagaaraha Magaaladda Berlin, ayaa waxa uu Madaxweyne Barack mar qudha lumiyay Shacbiyadii uu lahaa iyada oo na Khudbadiisu ay aheyd mid ka duwaneyd Khudbadihii looga bartay inuu ka jeediyo isla goobtaasi ka jeediyey sanado kahor.
Madaxweyne Barack Obama, ayaa waxa uu ahaa Shaqsi aad u shacbiyad badnaa iyada oo Xiliyadda Khudbadihiisa jeedinayo ay soo xaadiri jireen Kumanaan qof, waxaana lagu yaqaanay in uu si caadi ah uga hor Khudbeeyo Shacbiga balse Khudbadii uu Maalinimadii Arbacada ka jeediyay Fagaaraha Magaaladda Berlin waxa uu lasoo baxay dabeecad cusub.
Waxa uu Xiliga Khudbadiisu uu jeedinaayay taagnaa meel loogu tala galay ama xeyn daab qufulan oo ay ku xidhan tahay Muraayada aaney xabada Karin waxa uuna Khudbadiisu diirada ku saaray Ammaanka, Hasa yeeshee nasiib daro Awgeed waxaa mar qudha baqtiyay Laptobkii uu ka aqrinaayay Khudbadda, isaga oo lumiyay diiradda Khudbadiisu waxa uuna galay marxalad kale.
Waxa uu ka baxay Mowduuca uu Khudbadiisu kaga hadlaayay sababo la xidhiidhay Ciladii ku timi Laptobkii Khudbada uu kusoo diyaariyay, waxa uuna ku khasbanaaday inuu khudbada sidii looga bartay uu dusha ka akhriyo waxaana mararka qaarkood laga dareemayey khudbadiisii oo hakadka soo galayey.
Dada siyaasada ka faalooda ayaa sheegaya in uu Obama uu lumiyay taageeradii uu ku lahaa Germany iyo Europe kadib markii uu hore usii waday Siyaasidihii uu ka tagay Madaxweynihii ka horeeyey George W Bush oo ay ku jiraan dagaalka uu Maraykanka ugu yeedho la dagaalanka argagaxisada iyo adeegsiga diyaaradaha wax gumaada iyo waliba hawlaha xogo badhista ah oo ay sirdoonka Maraykanka ka wadaan caalamka oo dhan.
Ugu dambeyntii, Obama waxaa lagu Tilmaama inuu yahay Madaxweynaha ugu shaacirada badan Caalamka, iyadoona Maalinimadii Arbacada lasoo dhaafay uu galay Khaladaad badan lagana dareemaayay Wajigiisa balse dadka qaar aaney aheyn kuwa fahmayaykuwa qaladaadka una qaatay Kaftan iyo madadaalo.