(GNA)Xili dhawaan uu qarax ka dhacay xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa waxa qaraxaasi baaritaano fara badan iyo taxqiijin ugalay dowladdaha Caalamka hadii ay kaga jiraan shaqsi kasoo jeeda dalalkooda.
Qaraxa ayaa ugu yaraan waxa ku dhimatay 15 ruux halka dhaawacana loo qaaday Isbitaalada Muqdisho ,kadib qaraxa ayay warar kala duwan kasoo baxeen xafiiska Madaxtooyada Dowladda inkastoo si cad ah aysan ushaacinin ayaa dowlado ay kamid tahay dowladda Britain waxa ay sheegtay inay soo hubin doonto hadii ay ku dhinteen qaraxii Muqdisho Muwaadiniin kasoo jeeda dalkeeda.
Warbaahinta South Africa ayaa shaacisay in qaraxii lagu weeraray xarunta UNDP ay kaga geeriyoodeen labo ruux oo lagu kala magacaabo Alan Simpson iyo Morne Lotter waxayna sheegeen in raggaas ay kamid ahaayeen ragga ku geeriyooday qaraxii todobaadkaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Warbaahinta dalka South Africa ayaa si weyn uga hadashay qaraxii ka dhacay Muqdisho oo ay waxyeelada kasoo gaareen muwaadiniinteeda islamarkaana waxa ay kaga digeen Muwaadiniinteeda inaysan usocdaalin ama aysan ku dhiiranin inay ka shaqeeyaan dalalka aan xaaladooda wali fariisan iyagoo ula jeeday Somaliya.
Qaraxa todobaadkaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhimatay inta la ogyahay 15 ruux oo isugu jira muwaadiniin Somaliyed iyo Ajaanib iyagu ujoogay hawlo shaqo ilaa iyo haatana waxaa la cadeeyn karaa ajaanibta ku dhimatay qaraxaas in ay ka mid yihiin labo South African ah iyo haweeney kasoo jeeda dalka Kenya iyadoo la rumeysan yahay in dalka Britain ay uga jiraan muwaadiniin udhashay wadankeeda oo ku dhimatay qaraxii lagu weeraray xarunta UNDP inkastoo aysan si dhab ah ushaacinin balse ay sheegtay inay wadaan baaritaano ay kusoo xaqiijin doonaan.