Pages

Saturday, June 15, 2013

Koonfur Afrika: Somalida oo Bilaabay inay ka Qaxaan Dhibaatooyinka lagu hayo, una Firxanaya Angola


Johanesburg(GNA)-Somalida Koonfurka ku nool waxa soo waajahday Cabsi amaan oo ku khasabtay inay u baxsadaan wadamada Angola iyo Naamiibiya oo ka mid ah wadamada afrika ee dhinaca Koonfurta.




Firxadka Somalida ka qaxaysa Koonfur afrika, ayaa ka dambeeyay dilal, boob iyo Tacadiyo kale oo sanadihii ugu dambeeyay isa soo tarayay oo lagu hayo, taasoo mudooyinkan dambe arxan daro ah loogu laayay  Dhalinyaro aan waxba galabsan.




Inkasta oo mudooyinkii hore Somalida loo geysan jiray Boob Goobohooda Ganacsiga, hadana taasi waxa loogu daray Dilal fool xun oo shaaracyada loogu geysto dadka, taasoo ay dawlada dalkaasina waxba ka qaban kari wayday.




Kuma ay badbaadin Somalidu baxsashada ay ka cararayaan Dalkaasi ee waxay kala kulmayaan wadamada ay u cararayaan xadhig iyo dhibaatooyin kale oo dhanka socodka ah.




Ilaa 8 qof oo Somali ah oo ka baxay maalmahan wadanka Koonfur afrika, ayaa ku xidhan Xabsiyo ku yaala Wadanka Naamiibiya, kuwaasoo loo haysto inay sifo sharci daro ah ku galeen dalkaasi.




Dadkan oo sida la soo sheegay ka soo jeeda Goboladda Somaliya iyo Somaliland, ayaa la soo warinayaa in 20 ilaa 21 la saari doono Maxkamad, iyadoo laga wer-wersanyahay in xukun adag lagu rido, isla markaana ay halkaasi kula kulmaan dhibaato aan waxba ka dhiciin tii ay uga carareen Koonfur afrika.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay doonayeen inay Naamiibiya uga sii gudbaan Dalka Angola si ay halkaasi uga helaan nolol iyo amaan dhaama ta Koonfur Afrika.




Magacyada Dadka Naamiibiya ku xidhan




Maxamed Cabdi Siyaar oo 28 jir ah,
Maxamed Xasan Cabdulle oo 41 jir ah,
Cismaan Cabdi Sakariye oo 23 jir ah,
Cabdalla Cismaan Faarax oo 26 jir ah,
Kaafi Cali Xasan oo 24 jir ah,
Maxamed Cali Jin oo 28 jir ah,
Maxamed Ciise oo 47 jir ah iyo Abuubakar Salle.








Gob animonews




Muqdisho Office