Pages

Sunday, June 16, 2013

Dowladda Waqooyi Kuuriya oo isku diyaarinaysa wadahadalo ay la galaan xukuumadda Washington


(GNA) Warbaahinta qaranka dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in ay dowladda dalka Kuuriya ay wado qorshooyin ay isku diyaariniyaan inay wada hadalo la galaan dowladda Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanaayay xriirka labada dowadadood Waqooyiga Kuuriya iyo dalka Maraykanka




Gudiga difaaca qaranka xukuumada waqooyiga kuuriya, ayaa ku dhawaaqay balanqaadka ku aadan wahadal heer sare ah oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo kala dambeynta gobalka iyo xiisada ka taagan gacanka Korea , sida lagu daabacay wakaalada wararka dalkaasi.




Maalintii qamiista xukuumada waqooyiga kuuriya ayaa joojisay wadahadal ay la yeelan laheyd koofurta, kaasi oo ay soo abaabushay lana doonayay in looga hadlo xiisada ka dhaxeysa labada dhinac.




Gudiga difaaca qaranka xukuumada Pyongyang, ayaa sheegay maanta oo Axad in kulanka ay wada yeelanayaan labada dhinac ee waqooyiga kuuriya iyo Mareykanka uu yahay mid la doonayo in lagu soo afjaro xiisada ka taagan in muddo ah gacanka kuuriya.




Xukuumada Pyongyang, ayaa rajaynaysa inay wadahadal dhinacyo badan ay la yeelato wadamada aduunka oo Mareykanka ugu horeeyo, si looga wadahadlo arimaha hubka nuclear-ka.




Madaxweynaha waqooyiga kuuriya Kim Jong-un, ayaa maalintii shalay kulan la qaaday saraakiil ka tirsan dhanka gudiga difaaca qaranka dalkaasi, waxaana uu kala hadlay arimo ay kamid ahaayeen nuclear-ka.




Waxii ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan dowlada Maraykanka ay dhuulotus ka sameeyeen koofurta kuuriya, waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhaxeeya xukuumadaha Washington iyo Pyongyang.




Dhanka kale xukuumada Washington ayaan shaacinin dhankeeda wararka kasoo baxay W/kuuriya laakinse waxaa la filanaya in Mareykanka uu soo dhaweyn doono arrintaan , warbaahinta qaar ayaa sheegaya in hadii lagu fashilmo wadahadaladaan labada dhinac ay ka dhalan karto kadib dagaalo si toos ah oo dhex marta labada dowladood.