Pages

Sunday, June 16, 2013

Dowlada Sucudia oo ka hadashay tahriibayaasha gala wadankeeda


(GNA) War ay soo saartay dowlada wadanka Saudi Arabia ayaa lagu sheegay in ay yaaratay dadkii Somalida ee tahriibka ku gali jiray wadankaasi tan iyo markii dowlada wadankasi ay darbi weyn ka sameysay soodinta ay Yemen la wadaagto.
Warka dowlada Saudi Arabia ayaa lagu shegay in Somalida wadankaasi soo gali jirtay in ay bixin jireen lacago ay laalush ahaan u siin jireen dad si dhuumaleysi ah dadkasi u geeyn jiray wadanka Saudi Arabia.
Dowlada Saudi Arabia ayaa muujisay sida ay ciidamada wadanka Yemen iyo kuwedi iskaga kaashadeen wax ka qabashada dadka Somalida ee wadanka Yemen ka taga si dhuumalaysi ahna ku gala wadanka boqortooyada Saudi Arabia.
War bixinta ay soo saartay dowlada Saudi Arabia ayaa lagu shaaciyay in daganshiyo lagu soo dabaalo dalka Somalia ay baajin karto in Somalida ay ku dhaqaqan in naftooda bada ku haligaan iyagoo raadinaya nolol ka wanagsan mida Somalia.