Pages

Sunday, June 16, 2013

Dowlada Masar oo Gabi ahanba Xidhiidhkii u Jartay Dalka Suuriya:-Warbixin


(GNA) Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa sheegay in dalkiisu uu xidhiidhkai diblomaasi  u jaray xukuumadda Suuriya ee uu Madaxweynaha ka yahay Bashaar Al-Assad. Masar ayaa sheegtay inay xirayso safaaradda Suuriya ee Qaahira, dibna ula soo noqonaysa danjirihii Masar ee Suuriya fadhiyey. .
 
Dhanka kale Madaxweynaha Masaarida oo xalay  hadal ka jeediyay kulan lagaga hadlayay sida loogu gargaari karo shacabka Suuriya ayaa, sidoo kale, ugu baaqay in ururka Xizbullah inuu ciidamadiisa kala baxo dhulka Suuriya.