Pages

Monday, June 17, 2013

Dortmund Oo Ku Wargelisay Real, Utd & Chelsea In Lewandowski Uu Sii Joogayo Kooxda Xilli Ciyaareedka Soo Socda.


Borussia Dortmund ayaa shaaca ka qaaday in Robert Lewandowski aan loo ogolaan doonin sidoo kale inuu ku biiro koox ajnabi ah xagaagan, iyagoo sheegay inay hubaal tahay inuu kooxda la sii joogayo xilli ciyaareedka soo socda.




Xiddiga reer Poland ayaa doonayay inuu ka tago BVB xagaagan, isagoo cadeeyay inuu doonayo inuu Bayern Munich u raaco Mario Gotze ka hor inta uusan qandaraaskiisa Dortmund dhicin 2014.




Si kastaba, madaxa guud ee Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa dhawaan sheegay inaysan u ogolaan doonin Lewandowski inuu ku biiro Bayern Munich ka hor inta uusan soo jeedin inay macquul tahay inay ka iibiyaan koox ajnabi ah.




Waxaana markaasi ka dib ciyaaryahanka lala xiriiriyay Real Madrid, Chelsea iyo Manchester United, laakiin haatan Dortmund ayaa cadeysan inaysan gabi ahaanba iska iibin doonin ciyaaryahanka xagaagan.




“Robert waa hubaal inuu u sii ciyaari doono Borussia Dortmund xilli ciyaareedka soo socda. Waxaan u baahneyn inaan wax walba kala cadeyno si aan u qorsheyno mustaqbalka” ayuu yiri Watzke.




Talaabadan ayaa lagu soo waramayaa inuu sidoo kale ciyaaryahanka ku faraxsan yahay isagoo doonaya inuu qandaraaskiisa dhameysto xilli ciyaareedka soo socda ka dibna si xor ah ugu biiro kooxda Bayern Munich oo hamigiisa uu yahay.