Pages

Monday, June 17, 2013

Somaliland: laba Wasiir oo Golaha Wakiiladda looga soo jeediyay inay Is-casilaan iyo Dr. Maxamed oo ka cadhooday






Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka mid ah Muneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa su’aal aad u kagaan waydiiyay Wasiirka arrimaha dibada oo uusi weyn ugu dhaliilay inuu mugdi geliyay siyaasadda arrimaha dibada dalka.




Su’aashaasoo Xildhibaan Mahdi Buubaa ku waydiiyay fadhigii shalay ee Golahaasi oo wasiirku warbixin la xidhiidha Marxalada siyaasada khaarajiga ku siiyay Mudanayaasha, ayuu dareen cadho leh kaga jawaabay Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar, isagoo eedeymo toos ah iyo kuwo dadbanba uu u jeediyay Xildhibaanka.




Mudane Wasiir Shirkii dhawaan aad kaga qayb-gashay Nairobi, waxaanu haynaa qoraal ka soo baxay Xafiiskaaga oo aad shirkadaha Ganacsiga ku wargelisay inaanay shirkaasi ka qayb-gelin, waxaanad sheegtay in qoraalkaasi markii aad soo saartay ka dib, laba maalmood ka jor tegitaankaagii shirka aad ka war heshay inay faa’ido ugu jirto Somaliland shirkaasi.




Wasiir qoraalkaaga hore waxaad ku sheegtay in shirkaasi dawlada somaliya hogaaminayso, Somaliland-na uu khatar ku yahay, markaa hadii aad ka war heshay laba maalmood iyadoo laga joogo xiliga shirku qabsoomay maxaad qoraal dambe u soo saari wayday oo aad shirkadaha ugu faahfaahinayso, waxa iska kaa bedelay?.




Mid kale Wasiir Qoraalkaaga hore ee shirkaa ku saabsanaa iyo Jawaabta iminka aad ka bixisay sidii aad ku tagtay waa kuwo iska hor-imanaya, Bulshaduna hadal-haynteeda aadbay u saluugsanyihiin siyaasadaada arrimaha dibada, markaa ma kula haboontahay inaad sida Madaxda caalamka ee marka siyaasadooda mugdigu galo iscasila, inaad Istiqaalad u gudbiso Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland?.




Labadan su’aalood ee mudanuhu wasiirka waydiiyay oo intii uu ku dhex jiray Buuq iyo sawaxan Goluhu is-oogsaday, isla markaana xildhibaanada Dawlada taageeraa ka dhex gel-gelayeen mudanaha, Wasiirkuna marba marka ka dambeysa ka sii gubanayay weedhaha uu isticmaalay Xildhibaanku, ayuu Maxamed Cabdilaahi Cumar Jawaabaha uu ka bixiyay uu eedeyn ku bilaabay.




“Xildhibaanku horta markii aan wadanka ka maqnaana dhawr jeer ayuu ka hadlay warbaahinta oo uu arintan soo qaaday, waxaanan ka xumahay inuu sidaa u ula hadlo masuul dawladiisa ka mid ah oo hawlo qaran u maqan oo ay dad kale is horfidhiyaan, waxaanu ku cel-celiyay in Golahan layga yeedhi doono. Waxaanan qabaa in go’aankiisii loo fuliyay oo ay sabab u tahay inaan golahan maanta hor imaado”ayuu yidhi.




Wasiirku isagoo Jawaabtiisii sii wata waxa u yidhi “laakiinse runtii anigu waxaan qabaa in siyaasada arrimaha dibadu marayso meel fiican oo qarankani ku najaxay, waxaanan kuu sheegayaa shirkaa markii aan shirkadaha Fariimaha ogaysiiska ah aan u kala diray inay iyagu ii sharaxeen shirka iyo qaabkiisa, markii dambena aan xogta oo dhamaystiran helay, sidaana aan ku tegay”.




Jawaabta wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo aanu ku soo qaadin soo jeedinta Mudanuhu u gudbiyay ee ahayd inuu xilka iska casilo, maadaama shacbigu aanu kalsooni ku qabin, ayaa laga dhadhansanayay inuu Jawaabtiisa ku duray Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ahna Guddomiyaha xisbiga WADDANI, uu xildhibaankani ku jiro, kaasoo uu u sibir-saarayay inuu Xildhibaan Buubaa u aqbalay soo jeedintiisii ahayd in Golaha looga yeedho.




Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar Su’aashaasi ahayd tii ugu adkayd ee la waydiiyo, ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee  Xildhibaan Golaha Wakiiladda ka mid ahi waydiiyo Wasiir xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan mudo laba todobaad gudahood ah.




Waxaana todobaadkii hore Mudane ka tirsan Golaha wakiiladdu sidan oo ugu soo jeediyay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada inuu iska casilo xilka, maadaama oo uu ku fashilmay hagida tartanka Ciyaaraha Goboladda, waxaana muuqata in soo jeedinta caynkaasi ahi xukuumadda ku noqonayso wado cusub oo ku furantay oo mar walba looga soo jeediyo Golaayasha iyo kulamada Bulshada.




Gobanimonews




Hargeysa Office