Pages

Tuesday, June 18, 2013

C/salaam M. Xasan: Adeegyada Biyaha ee Boorama maaha kuwo Mustaqbalka lagu Xisaabtami karo”


Borama(GNA)-Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan, ayaa dhagax-dhigay Ceel-biyood laga samaynayo Deegaanka Sheedaha ee Duleedka Magaalada Borama, ka dib socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tegay Magaalo madaxda Gobolka Awdal.




Ceel-biyoodkan oo ay Maal-gelinayso Hay’ad laga leeyahay waddanka Kuiwat, fulinaysana Shirkadda Biyaha Magaaladaasi gacanta ku haysa ee SHABA, ayaa lagu dhagax dhigay Munaasibad halkaasi lagu qabtay oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta gobolka Awdal, madaxda dawlada hoose ee Boorama, Wasiir ku-xigeenka iyo Saraakiil ka socda Shirkadda Shaba.




Wasiir  ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan  oo xafladaasi hadal ka jeediyay , ayaa sheegay in mashruucani wax badan ka tari doono baahida dhinaca biyaha ee ka jirta Magaalada Boorama.




“runtii waa wax aad iyo aad loogu farxo baahida biyood ee wadanka jira awgeed in ceelkan la sameeyaa,waxaanu mashruucani wax badan ka tari doonaa adeegyada Biyaha ee Magaalada Boorama oo aan lahayn Mustaqbal fiican oo lagu xisaabtami karo”.




Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu Hay’ada hawshan iska kaashanaya ku hambalyaynayo, isagoo tilmaamay in mashruucan lagu gaadhi karo qorshe biyo soo-saar  oo Mustaqbalka lagu waar“ markaa waan ku hambalyaynayaa shirkada ceelkan qodaysa iyo Hay’ada Maal gelinaysaba”.




Dhinaca kale, Sarkaal ka socda Shirkadda Shaba ayaa balanqaaday inay si dhakhso ah u dhamaystiri doonaan Ceelkan, si ay uga faa’idaystaan dadka reer Borama ee loogu talo-galay, isagoo xusay in Mashruucani yahay mid wax badan ka tari doona cidhiidhiga dhinaca Biyaha ee deegaanka  Borama ka jira.




Magaalada Borame ayaa ah Magaalada labaad ee Maamulka Biyaha ay gacanta ku hayso shirkad gaar loo leeyahay, oo waraabisa dadka Magaalada, Magaalada ceerigaabo ayaana ha Magaalada labaysa ee adeega Biyaha shirkadi maamusho.




Gobanimonews




Borama office