Pages

Tuesday, June 18, 2013

Baashe M. Faarax: Dadka Dhintay ee Doonyuhu la Qaraqmeen waa Xoogii iyo Dhalinyaradii Somaliland”


Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Golaha wakiiladda  Baashe Maxamed Faarax ayaa Tacsi u diray, dhacdo argagax lehna ku tilmaamay Dadkii ku dhintay Doonyihii shalay ku Qaraqmay Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya, oo ilaa hada 46 ka mid ah oo la aqoonsaday ay jiraan dhalinyaro badan oo Somaliland ka Tahriibay.




Baashe Maxamed Faarax oo Maanta la hadlay warbaahinta Dawlada ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay Heerka tahriibka dhalinyaradu marayo  iyo muhalakadda da’yartu kala kulmayaan Sibiq-dhaqaaqa dhibaatada nololeed sababay.




“Waxaan Tacsi u dirayaa dadkii reer Somaliland eek u Geeriyooday doonyaha ku qaraqmay Badda Talyaaniga, waxa weeye dadka dhimanayaa waa dhalinaradii reer Somaliland ee xooga ahaa, waxaana loo baahanyahay in la wacyi-geliyo oo dawladuna arintaa wax ka qabato”ayuu yidhi Mudane Baashe.




Guddoomiye ku-xigeenka Wakiiladda ayaa qaybaha Bulshada iyo asxaabta mucaaridka ah u soo jeediyay inay ka qayb-qaataan Wacyi-gelinta Tahriibka dhalinyarada laga baajinayo “Culimada iyo Asxaabta Mucaaridka ah ayaa sidoo kale looga baahanyahay inay ka qayb-qaataan sidii dhalinyarada Tahriibaysa loo wacyi-gelin lahaa”.




Dhinaca kale, tan iyo markii la soo sheegay Dhimashada dadka ay Doonyuhu la quuseen oo tiradoodu  sii kordhayso, waxa isa soo taraya hadal-haynta iyo wardoonka dadka Ubadkoodu tahriibta kaga maqanyihiin, kuwaasoo qaarkood aqoonsadeen dadka dhintay qaarkood iyo kalena wadnaha farta ku hayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office