Pages

Tuesday, June 18, 2013

Somaliland: Xaqsoor iyo Xukuumadda oo Caawa Heshiiyay iyo Nuxurka Qodobada laysku Waafaqay


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golaha xukuumaddiisa,  ayaa caawa qasriga madaxtooyada ku qaabilay saddex xubnood oo ka socda hogaankii ururkii Xasqoor.




Guddoomiyaha Ururkii xaqsoor iyo laba xubnood oo uu ka mid yahay ku-xigeenkiisii Cali sundule, ayaa kulankaasi qayb ka ahaa, halka xukuumaddana ay madaxweynaha ku wehelinayeen Wasiirka Maaliyada iyo xubin kale oo muhiim ah.




Kulankaasoo gabo-gabo u ahaa wada hadalo mudo dheer u soo socday labada dhinac oo ku saabsan xalinta Khilaafkii ka dhashay Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka , ayaa labada dhinac sheegeen in isfaham kama dambeys ah laga gaadhay, isla markaana labada dhinac heshiisyo wada gaadheen.




Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulankaasi ka dib dhinaca xukuumadda u hadlay ayaa sheegay in guul iyo isfaham fiican laga gaadhay wada hadalo labada geesood mudo u soo socday  “Waxa sharaf noo ah inaanu caawa ku kulano madaxtooyada annagoo laba dhinac oo laba geesood ah, sadddex xubnood oo ka socda xukuumadda iyo Saddex xubnood oo ka socda Ururkii Xaqsoor ee hadhay, waxa noo farxad in wada hadalo mudo noo soo socday caawa ku soo dhamaadeen farxad iyo isfaham fiican oo Is ogolaanshiyo ah, waxanan u mahad celinayaa Guddida Ururkii xaqsoor ka socday ee hawsha nala soo waday”ayuu yidhi Wasiir Samaale.




Dhinaca kale, Cali Maxamed Jaamac (Cali sandule) oo u hadlay dhinaca xubnaha ka socday Ururkii Xaqsoor, ayaa cadeeyay inay heshiis  muhiim ah wada gaadheen iyaga iyo xukuumadda oo si laba geesood ah kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay qasriga madaxtooyada.




“Halkan caawa waxaanu isugu keenay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland iyo Guddoomiyihii Ururka Xaqsoor Xasan Ciise, waxaana lagama maarmaan noqtay inaanu sheegno wixii lagu heshiiyay.




“labadayada geesood waxa caawa aanu isugu nimi si aanu uga wada hadalno wixii jiray, waanan  heshiinay xukuumadda, waxaanu ku heshiinay qodobo muhiim ah, waxaanan umadda reer Somaliland u sheegaynaa in hawshaasi dhamaatay oo heshiis laga gaadhay”.ayuu yidhi Cali sandule.




Waxaanu intaasi ku daray “Waxaana lagu heshiiyay in hadaanu nahay Xaqsoor wax kasta oo danta qaranka ah aanu kala shaqayo xukuumadda, sidaasi ayaanan isku afgaranay, hawshayaduna waxa weeyaan mid aan baadhis dambe yeelanayn oo wixii guud hadaanu isla garanay, wixii kalena waa arimo hoose oo aan u baahnayn in la sheego”ayuu intaasi raaciyay.




Kulanka labada dhinac ayaa noqoya mid Taariikhi ah, marka loo eego duruufaha mudo dheer soo taxnaa oo dhex yaalay qaarkood iyo xurguftii ka dhalatay Doorashadii golayaasha deegaanka oo iyadana xiisadii ka dhalatay wali taagnayd, ka hor intaanay caawa dhinacyada khilaafka ugu weyni dhexyaalay heshiiskoodan shaacin.




Geesta kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo iyo Xasan Ciise Jaamac ayaa kulankoodan Caawu noqonayaa mid ka salbalaadhan inta waxyaabaha halkan lagu faaqiday,waxaanu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee ay wada tan iyo markii xisbiga Kulmiye talada ku guulaystay.




Labadan hogaamiye oo ka mid ahaa Hogaankii Ururkii SNM, isla markaana mudo dheer saaxada siyaasada ku wada jiray, xidhiidhkooda hoosase aanu wanaagsanayn , ayay Doorashadii golayaasha deegaankuna sii kala fogaysay, waxaase caawa muuqata inay labadooda guul u tahay isragtidoodu.




Gobanimonews




Hargeysa Office