Pages

Friday, November 14, 2014

Xisbiyada Mucaaridkaa Ee Ku Baaqaya Qabyaalada Maku Aamini Arkaa Qaran ?

siiSalaan aad u qiimo badan baan ku salaamayaa  Warbaahinta sharafta lehna sidoo kale waan salaamayaa, qalinka waxaan u qaatay inaan waxyar ka iftiimiyo qabyalaada ay ku baaqaan xisbiyada mucaaridku iyo sidii uu xisbiga kulmiye uga caaganaa.

Madaxweynaheena Maanta  Axmed Maxamed Maxamuud  Aadan Sideed sanadood wuxuu soo  ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridkaa ee Kulmiye marka laga soo bilaabo sanadii 2003 oo wakhtigaasi lagaga guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee wadanka ka qabsoontay wax ka yar 90cod oo la musuq maasuqay, iyadoo caadada African ah tahay  tanaasul la,aanta iyo qanac la,aantu hadana Axmed Siilaanyo oo ahaa wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahaana Murashaxii Madaxweynaha ee Xisbigaasi, wuxuu caqli iyo maskax fayow oo waayo aragnimo ku dheehantahay ku eegay Mustaqbalka hiigsiga iyo himada shacabka Somaliland, waxaana uu ku dhawaaqay inuu ku qancay natiijada doorashadaasi.

8-sanadood oo Madaxweyne siilaanyo iyo xisbigiisu Mucaarid soo ahaayeen  wali Madaxda Xisbiga kulmiye oo uu Hogaan u ahaa Axmed siilaanyo intay Fagaare isi soo taageen ama Warbaahin ka hadleen kumay dhawaaqin Magac qabiil inay cod ku doonayaan, Taariikhda intaa leeg wali lama hayo xisbiga Kulmiye oo yidhi hadaan nahay reer hebel inagaa isku sidaa ah ee na doorta xaasha  lama hayo waana makhraati ma doon, Xisbiga kulmiye waxaa hal ku dhig u ahayd Horumar iyo cadaalad iyo in Dalku helo isbedel sidan dhaama oo laga gudbo xaalada adag lana jaan qaado kuwa caalamka, taas waxaan filayaa midhaheedii wa inaga guranayna aan ku xamdi naqdno horumarkaa balaadhan ee ay ka dhabeeyeen.

Nasiibdarada maanta haysa mucaaradka gaar ahaan Wadani  waxaa weeye intay magaalo ama gobol  la wada yaal  tagaan oo xaflad yar ku qabsadaan ayey yidhaahdaan hadaan nahay Habar Magaado waa inaan is raacnaa  iska celinaa Beesha hebyaalyo ee Xukunka haysa, Xukumada ka dhalatay Xisbiga Kulmiye miyaan la wada lahayn qaranka miyaanay ka dhaxayn ta aynu wada hoos hadhsanayso miyaanay ahayn  maxaynu ugu eedaynaynaa beel aynu inagu uga manaafacaad badanahay Dawladeena ? .

Bulshoow idinkaan idin waydiiyee Xisbiyada mucaaradkaa aan  is dhaamin ee shacabkii  midaysnaa maanta ugu baaqaya inay kala fogaadaan dadka Somaliland ee isku duubnaa codka kaga doonaya qabiilka”  illaah baan idinku dhaarshee kuwaasi qaran maku aamini karnaa ” ?  Dadka reer somaliland 23-sanadood bay isku  soo duubnaayeen oo ahaayeen Ul iyo Diirkeed maanta maanta ma istaahilaan inay dhegaha idiin furaan inay idinka gufaystaan mooyaane, Guntii iyo geba gebadii waxaa halkaasi inoogu cad in Xibiga kulmiye si kasta uga caaganaa qabyaalada halka xisbiyada  Mucaaridku ku digriyaan qabyaalada.

Miss: Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway