Pages

Friday, November 14, 2014

Madaxdhaqameed Fariin u diray Siilaanyo iyo Saleeban-gaal

Boqor BadmadowHargeysa (GNA)-Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow), ayaa fariin udiray xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayme axmed maxamed silaanyo Boqor axmed ayaa sidoo kale fariin u diray Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Boqor axmed maxamed xassan ayaa u warmay shabakada Aftahan News

waxana hadaladii boqor Bad-madow ka mid ah “madaxwayne hadii aan ka yeelanay inaad nagu dul gawaracado Nuux taani , Boobe ,Jidhif iyo waliba muuse biixi isla markaana aad alabaabada u laabtay Hubaal Iyo Haatuf oo aan kugu daawanay isla markaana aanu ka dhiidhiyi waynay oo aan ilaalinay qaranka oo intaasba aanu ku dawanaynay maanta dalkii meel xun ayuu maraya
Boqor Bad-Madow ayaa sidoo kale ka hadlay Xiisada ka soo cusboontay Aqalka golaha wakiilda somaliland ayaa waxa uu yiri
“Maanta dalka waxa ka bilaamay kacdoon maanta ma ah inaad adiga iyo salebaan inad af ganbidaan kursigii gudoomiyaha golaha wakiilda waxaanu u argana in somaliland axdi qarmeedkii ay dhigteen 1991 iyo 1993 aad maanta burburisaan mudane madaxwayne ku soo noqo sidii dhaqanku inoo ahaa ma ah maanta kursiga aan ku saaranay inaad awood u isticmaasho tan beelo ayaynu ku dhisanay hadii la jabiyo wixii belaahasi wada dhigteen nina nin kama xoog wayna “
Boqor Bad-madow ayaa sidoo kale fariin u diray Gudoomiyaha golaha wakiilda somaliland salebaan maxamuud adan waxna uu yidhi “Gudoomiye salebaan Kursigan waxa fadhiyi jiray Sheekh Ibraahin oo ahaa xeer beegti waxa laga raba inaad sidii sheekh ibraahim u dhaqanto oo aad joojiso eexda cadaanka iyo is barbar taaga siilaanyo sheekh ibraahin marna kuma raaci jirin Ina cigaal qaladka uu sameeyo Umaduna waa u sinayd”
ug danabyntii waxa uu boqor Bad-madow fariin u diray Umada reer somaliland waxanu yidhi
Shacabka waxaan lee yahay nabad galaydiina ilaashada oo indhaha ku haya cid kasta oo waxa u dhinta nabdiina talada dalku waa shacabka.