Saturday, November 15, 2014

Wasiir hore C/xaliim: "Madaxweyne yaan Dalka muddo kordhini inaga dumin"

xcabdixaliimHargeysa(GNA)-Sida la wada ogyahay waxa khilaaf cusub laga abuuray Golaha Wakiilada Somaliland, iyada oo food saaro laga dhiganayo Mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Guddoomiyaha Wakiilada ayaa wuxuu caqabad ku noqday qorshaha xukuumadda ee muddo kordhinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo weliba ta Golayaasha Wakiilada iyo Guurtidaba, ujeeddada Mooshinkan looga gol-leeyahayna waa sidii qorshahaas muddo kordhinta ahi ku hirgeli lahaa.

Waxaynu ognahay in Golaha Wakiiladu uu muddo xileedkiisii dhaafay wakhti ku dhaw shan sannadood, halka Golaha Guurtiduna uu noqday Gole dhaxaltooyo oo aan marnaba intii Somaliland jirtey wax doorasho ahi ka dhicin.

Waxa haddaba la yaab leh in Madaxweynuhu dhawr goor khudbadihiisa kusoo qaatey in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi doonto, maalina aan loo kordhin doonin. Waxaana in badan la is weydiiyaa dalka ma Madaxweyne kale ayaa xukuma? mise hadalkan uu odhanayo ayaanu daacad ka ahayn oo Madaxweynaha afkiisa iyo uurkiisa ayaan wada socon?

Waxa markhaati ma doon ah oo cid weliba ogtahay in duullaankan Golaha Wakiiladu uu ka yimi dhinaca Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Silanyo, oo xildhibaanada shirarka loogu qabto Madaxtooyada iyo guriga Madaxweyne ku xigeenka, iyo weliba guriga Gudddoomiyaha Guurtida (Md. Saleebaan) oo qorshahan kula shuraako ah.

Waxa si badheedha Xukuumaddu uga soo horjeedsatay ilaa haddana aan la ansixin Guddigii loo soo Xulay inay maamulaan Doorashooyinka iyadoo Guddigii hore hawshan u hayeyna uu Madaxweynuhu kala direy.

Waxa hore Xukuumaddu muran iyo khalkhal u gelisay Xeerkii Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha (Voter Register) oo ay dabar kaga soo dhigeen Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah (Civil Register), markii Golaha Wakiiladu waajibkiisa ka gutey ee loo gudbiyey Golaha Guurtidana dib xildhibaanadii la isaga hor keenay lana abuurey khilaaf ujeedadiisu ahayd MUDDO KORDHIN, ilaa haddana Xeerkii horyaalo Golaha Guurtida taasoo markii la waayey sharci fasaxaya in Golaha Wakiilada lagu soo celiyo iyadoon Xubnaha Guurtida loo qaybin oo cod la gelin la abuurey Mooshinkan cusub ee ah in khilaaf kale laga abuuro Golaha Wakiilada oo muddo lagu mashquulo Xil ka qaadista Guddoomiyaha Wakiilada si cid Xukuumadu wadato loogu baddalo oo Qorshaha Muddo kordhintu si fudud ugu hirgalo. Mooshinkan ayaa xataa hadduu suurto geli waayo inuu guuleysto xukuumaddu ka rabtaa Muddo CIMRI DHERER u noqon karta oo dib u dhac ku keenta geeddi socodka doorashooyinka.

Waxa ayaan darro ah in Xukuumaddii codka ku timi ay u dhaqanto sidii xukuumad dalkan inqilaab ku qabsatey!

Waxaan talo ugusoo jeedinayaa Madaweynaha JSL Md. Axmed Silanyo


  • in uu ixtiraamo ereygiisa oo uu ilaaliyo qawlka uu ummadiisa ugu ballanqaadayo oo uu doorashooyinka xiloogada ku qabto wixii caqabad ku ahna wuu ogyahaye uu ka hor qaado si aan Muddo Kordhini dalka nabadgelyadiisa u sahayn.

  • Inuu Golaha madax bannaanidiisii usoo celiyo kana dul qaado ciidanka RRU-da ee Xaruntii Golaha la wareegay.

  • Waxaan ugu dambeyn leeyahay “Madaxweyne Dalku meel adag buu marayaaye isagoo fayow ha lagugu soo gaadho”



Waxaan sidoo kale usoo jeedinayaa shacbiga Somaliland meel ay joogaanba inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

Somaliland Allah ha Guuleeyo

Abdi Halim M. Musa