Hargeysa(GNA); Ciidanka Bilayska ayaa caawa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada ee jiidali oo dhawaan dalka lagaga dhawaaqay.Afhayeenka Ururka Jidali Faysal Cumar Madar ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Caawa siddeedii caweysnimo Ciidanka loo yaqaano RRU-du qabteen Cabdiraxmaan Xasan Aadan canbaaro, isagoo ku sugnaa xaafadiisa oo kutaala Xaafada agagaarka jidka 150ka ee degmada 26-juun.
Ma jiro wax waar ah oo lagu soo qabtay Guddoomiyaha la xidhay, sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay dallada Faysal Cumar Madar oo dhanka kale cambaareeyay talaabadan.
“Ururka jiiidali marnaba qaaadan maaayo in cadaaalad daro loola yimaaado xubnahooda lakiiin wixii sharcigu ay diyaaar u yihiin”.ayuu yidhi Madar.
Waa qofkii labaad ee ay caawa dawladdu xidho oo ka mid ah dadka ku jira xayndaabka Siyaasadda, iyadoo goor dhaweyd isna xabsiga loo taxaabay Xoghayihii Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Arrimahan ayaa dhacaya iyadoo beri Golaha Wakiillada laga cabsi qabo in buuq iyo gacan ka hadal ka dhaco, isla markaana aan wax xal ah laga gaadhin Mooshin dhagaraysan oo la doonayo in Kursiga looga tuuro Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Cirro.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha Loolanka ka socda Mooshinka ismiidaaminta ah ee Golaha la keenay,waxa guul-daraystay dhaqdhaqaaqyo laysku dayay in arrintaas lagu damiyo.
“xaalada waxba iskamay bedelin, qolo waliba waxay ku adkaysatay mowqifkeedii, markaa waxa la eegayaa uun sida xaalku noqdo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka arrimahan ku foogan ee Siyaasadda faaqida.
Mugdi kuma jiro in maalinta berri ah xaalad la filan karo, hadii aan caawa saacadaha soo socda aanay wax isbedelin.
Ha haatee waxa iyaduna arrimaha sii cakiraysa Xadhiga ashkhaasta caawa la qabqabtay oo kicinaya dareenka shacbiga ee markii horeba taagnaa.