Pages

Saturday, November 15, 2014

War deg deg ah: Xoghayihii Golaha Wakiillada Somaliland oo Xabsiga loo taxaabay

Guddoomiye Cirro oo cambaareeyay Xadhiga Sarkaalka la xidhay iyo Ciidamo dheeraad ah oo la dul-dhigay dhismaha Baarlamanka..

askarisHargeysa(GNA)-Waxa Ciidamada Bilayska Somaliland goor-dhowd Xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xoghayaha ayaa laga soo qabtay Goor dhoweyd Gurigiisa magaalada Hargeysa, sida ay goob-joogeyaal Gobanimonews u xaqiijiyeen., mana jiro wax tafaasiil ah oo dawladdu ka bixisay sababta loo xidhay.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa shalay markii Ciidanku la wareegeen xarunta Golaha Wakiilada sheegay inaan wax ogaysiin ah lagu siin bedelka ilaalada Xarunta Baarlamanka, isagoo kala bedelkan ku xidhiidhiyay Taliska Ciidanka Bilayska.

Geesta kale Guddoomiyaha Golah Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo daqiiqado ka hor shir-jaraa’id ku qabtay Hudheelka Shiraaqle ee Bariga Hargeysa, ayaa cambaareeyay xadhiga loo geystay xoghayaha.

Guddoomiye Cirro ayaa dhinaca kale, sheegay in toos loo inqilaabay Golaha Wakilllda, isla markaana Ciidan tiro badan oo xukuumaddu amartay lagu wareejiyay xarunta Goleyaasha Baarlamanka.

Arrintan ayuu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Inqilaab siyaasaddeed oo Waaxda fulintu ku qabsatay Hay’adii xeer-dejinta ee shacbigu soo doortay.

Xiisada u dhaxaysa Golaha wakiillada ee xukuumaddu faraha kula jirto ayaa u muuqata mid marba marka ka dambeysa sii xumaanaysa, iyadoo la filayo in 12 saacadood ee soo socda uu furmo fadhiga dhagaraysan ee Golaha Wakiilladu.

La soco wixii soo kordha...