Pages

Saturday, November 15, 2014

UCID noqon maayo sida xukuumada kulmiye..Q.6aad

badmaax-300x270Xisbiga cadaaalada iyo daryeelka – UCID waxa uu gebi ahaan bedeli doonaa habka waxbarashadu maanta ay tahay sida qorshaha ugu jirta.Xisbiga UCID waxa uu ka guuri doonaa dhaqankan xukuumada kulmiye ee isdhex-yaaca kuna salaysan manhajka Somaliya.Xisbiga UCID waxa uu tuujin doonaa maskaxda iyo aqoonta aqoonyahanada JSL si ay u sameeyaan manhaj dalkani gaar u leeyahay,waxa uu tayayn doonaa waxbarashada xukuumiga ah.Xisbiga UCID waxa uu sharci u samayn doonaa waxbarashada gaarka ah(Private Education),waxaanu hoos gayn doonaa wasaarada waxbarashada,tiradoodana waa la koobi doonaa.

 

Xisbiga UCID waxa uu taakulayn doonaa caruurtii mujaahidiintu dhasha oo ay dhamaan waxbarashada bilaash uga dhigi doontaa,qalabka waxbarashana ku ca awin doontaa,si gaar ahna u daryeeli doontaa.

Xisbiga UCID waxa uu xoog saari doonaa tayada goobaha barbaarinta(Kinder garden or Nurserys),mana jiri doonto malcaamad iskeed loo furtaa,sharci ayuu u samayn doonaa,guud ahaan waxbarashada waxa uu u samayn doonaa shuruuc iyo siyaasad cad(Education Policy) ay ku dhaqanto.Xisbiga UCID waxa uu kor u qaadi doonaa tayada macalimiinta,waxa uu kordhin doonaa barashada malinimada(Faculty of Education) ee heer jaamacadeed,macalimiinta haatan shaqaysa ee aan heer jaamacadeed ahayn iyagana waxa loo diri doonaa jaamacadaha dalka si aqoontoodu tayo u yeelato,waxaana kor uu u qaadi doonaa mushaharka macalimiinta si loo helo macalimiin ta yo leh.< o:p>

Halkaa hadaan kaga gudbo qorshaha waxbarashada ee xisbiga UCID waxa qormada danbe aan ku guud mari doonaa wasaarada shaqada iyo hay’ada shaqaalaha.

La Soco…………..

Xuseen Xasan Badmaax

Human Rights Secr.

UCID

 

0634026100

 

Hargeysa/JSL