Pages

Saturday, November 15, 2014

War Deg Deg ah : Fadhigii Golaha Wakiilada oo Dib loo Dhigay Laba Cisho iyo Shan Xildhibaan oo Mucaaridka ah oo la xidhay



Hargeysa (GNA)  waxa dib loo dhigay mooshinkii ay saaka wadeen xildhibaanda muxaafidka ah kaasi oo ay iyagu laba cisho dib u dhigeen sidoo kale Waxaa goordhawayd xarunta CID- da lagu xidhay , Xildhibaan Ibraahim Mahdi (Buubaa) , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan  Maxamed Saalax oo katirsan golaha wakiilada Somaliland, iyo wariye Cabdiraxiin Mawliid Cismaan oo kahwlgala Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews sida uu nooxaqiijiyay wariye Cabdiraxiin Mawliid oo aan khadka telifoonka gacanta oo uu watay ay usooro gashay inuu lasoo xidhiidho xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews.

xildhibaan-Buubaa-475x441

Xildhibaanadan la xidhay ayaa dhamaantood ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Dhinaca kale waxa  ay waraku sheegayaan in wariyayal  kale lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Haragaysa.

Xadhiga saxafiyiinta iyo xildhibaanadan ayaa kadanbeeyay markii saaka golaha wakiilada lakeenay mooshin xilka laga qaadayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro iyadoo sidoo kalana labadalay ciidankii ilaalinjiray Golaha wakiilada

 

sidoo kale dhamaan golaha wakilada iyo dhamaan wadooyinka soo gala Gobolka ayaa saaka gabi ahaan ba lala wareegay ciidamada booliska iyo RRdu kaasi oo dadkii shaqooyinka lahaa ,dadkii xanuusadayey , iyo dadkii hawlaha lahaaba la xanibay .

 

la soco wixii ka soo kordha

 

GobonimoNews Ageny

Hargeysa Office