Pages

Saturday, November 15, 2014

Burco: Hal qof oo Geeriyooday iyo afar kale oo dhaawacmay

AWOOWIyadoo Khilaafkii golaha Wakiillada Somaliland uu sababay Kacdoon siyaasaddeed oo dalka saameyn ku yeeshay, ayaa waxa mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Burco, waxa ku dhintay hal qof oo Dumar ah, ilaa afar kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, kaddib markii ay Bilaysku Rasaas huwiyeen Dad shacab ah oo isugu soo baxay Barxada banaan oo ku taala Badhtamaha Magaalada.

Qofka Dhintay ayaa ahayd Gabadh Dhalinyaro ah, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal. dadka kale ee dhaawacmay waxa la sheegay inay ka mid yihiin Carruur aad u yaryar, hase ahaatee wali taasi ma kala cadda.

Bilayska ayaa awood u isticmaalay kala dareerinta dibad-baxayaasha ah.

Wariyaha Gobanimnews ee Magaalada burco ayaa goor sii horaysay soo sheegay in Mudaharaadeyaashu ku fideen qaybaha kala duwan ee Magaalada.