Xoghayaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa caddeeyay in Taliska ciidanka Bilaysku bixiyay amara Ciidanka cusub loogu wareejiyay Xarunta Baarlamanka.
Xoghayaha, ayaa sheegay in Ciidanka labadii iyo Badhkii Duhurnimo la keenay Xarunta, isla markaana markii ay daba galeen cida ka dambeysa loo sheegay in taliska laga soo amray.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska ee lagu xidhiidhiyay la wareegista golaha.
“Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa amarkaa soo bixiyay ayaa nalugu yidhi, markii aanu askarta waydiinay sababta loo keenay, markaa ma garanayno sababta ciidankaa loo bedelay ee ciidanka cusub loo keenay" ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
xiisada ka dhalatay talaabadan lagula wareegay Golaha ayaa ah mid bilow u ah faro-gelin ay Hay'adda fulinta dalku ku inqilaabayso hogaanka golaha Muxaafidka u badan oo iyaga laftooda kala qaybsanaan dhexdooda la soo sheegayo.