Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka digay natiijada duulaanka lagu ridayo ee sabtida la doonayo in Golaha Wakiillada laga fuliyo.Cirro ayaa sheegay inaanu guulaysan doonin Mooshinka loo maleegay ee maamus ka xuubintiisa ah, kaasoo uu Madaxtooyadda ku eedeeyay in laga soo tahriibiyay.
“Cid kasta oo isku dayday horena way ugu guuldaraystay, maantana way ku guul-daraysanaysaa ee dalka ha inaga burburinina”ayuu yidhi Cirro.
Waxaanu intaas ku daray “ waxaan u arkaa in madaxtooyada laga soo tahriibiyay Fidmada Golaha Wakiillada laga wado” ayuu hadalkiisa raaciyay Cirro oo ka hadlayay xaflad Xisbigiisa Waddani ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo Burco ka dhacday.