Hargeysa(GNA)-Ciidamadii saaka la soo dhoobay agagaarka Kaamboolka Xarunta Baarlamanka, Madaxtooyada inta badan xaafada shacabka ayaa qayb ka mid ah laga qaaday goobihii ay joogeen, waxaanay xaalada maagaladu ku soo noqotay caadi, markii isu socodka Gaadiidka iyo dadka la furay.Laakiinse Jidka hor-mara madaxtooyada ayaa wali ka xidhnaa dhinaca Cisbitaalka wixii ka soo gelaya, iyadoo ay halkaasi wali joogaan Ciidan tiro badan ooh or dhooban Aqalka Baarlamanka hortiisa.
Askarta ayaa baadhaya Baabuurta, isla markaana badankooda u leexinaya xagga wadaa xagga dambe ka marta Madaxtooyada ama dhinaca Waqooyi jidka mara.
Arrintan ayaa timi kaddib markii xal ku meel-gaadh ah oo dhinac qudha uu gaadhay lagu soo dabaalay Xiisadii ka aloosnayd Golaha Wakiillada.
Hase ahaatee saaka aroornimadii hore waxa meel kasta oo xaynadaabka Xafiisyada dawladda ka mid ah waxa la dhigay Askar Milateri iyo Bilays isugu jira, kuwaasoo amar ku qabay inay awood ku muquuniyaan cid kasta oo isku dayda inay ka hor-timaado qorshaha Xukuumiga ah ee Golaha Wakiillada lagu inqilaabay.
Ciidanka ayaa xabsiga u taxaabay dad badan oo shacab ah iyo wariyayaal.
Sida Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA u xaqiijiyeen Gobanimonews lix wariye ayaa ka mid ah dadka la xidhay, tirada shacbiguna waxa lagu qiyaasayaa dhowr iyo toban ruux Magaalada Hargeysa oo qudh.
Geesta kale, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in la xidhay Lix Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay Ciidanka Bilayska ka hor-yimaadeen.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay kaga digeen fowdo iyo qas dalka laga abuuro.
Madaxweyneha Qaranka ee xaaladan cakiran daawanayay tan iyo intii ay heerkan gaadhaysay, hadlay, ayaa ku eedeeyay fowdada dhacday dhinaca Baarlamanka, siiba hogaanka Golaha oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah.
Geesta kale, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa goor sii horaysay si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay Inqilaabka lagu qabsaday Golihii Xeer-dejinta.
Cirro, ayaa sheegay in layska hor-taagay inuu furo fadhigii Golaha Wakiillada, isla markaana isaga iyo Ilaaladiisaba lagu joojiyay Hudheelka Emperial, iyadoo laysku dayay in la xidho Askarta ilaalinaysay.
Si kastaba ha ahaatee xaalada Magaalada Hargeysa, ayaad moodaa inay caadi ku soo noqotay, wallow ay dadku wali sidii xalay u walaacsanyihiin oo aanay sawir buuxa ka haysan halka uu ku dambeyn doono Buuqa siyaasaddeed ee Cadaadiska Ciidan ku lamaanyahay.
Dhinaca kale, magaalooyinka Ceerigaabo, Gabiley iyo Berbera, ayaa laga soo sheegayaa inay dibad baxyo iyo dhaqdhaqaaq shacbi ka bilaabmeen.
La soco warbixino kale
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com