Saturday, November 15, 2014

Hambalyo ku socota Maxamed Maxamuud iyo Aamina Cismaan Xirsi oo meherkoodu ka dhacay Jig-jiga

Bahda Gobanimo News Agency, waxay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaan Maxamed Maxamuud Joofay iyo Aamina Cismaan Xirsi oo maanta Meherkoodu ka dhacay Magaalada Jig-jiga ee xarunta Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanay leeyihiin ku gaadha Aqal-galkiina Bash-bash iyo barwaaqo. Wiil iyo Caano iyo Gabadh iyo caano.

Hambalyo taasi la mid ah waxa diraya dhamaan Qoyska reer Cali Siciid, Qoyska Ducaale Muuse, Reer Jaamac Aadan iyo Ilma Yuusuf Macalin, ilma Maxamuud Joofay iyo ilma Xaaji Abokor Joofay , oo kala jooga dhamaan Daafaha Caalamka.

Waxaanay qoyska cusub ugu ducaynayaan Aqal-galkiina ku gadha Bash-bash iyo barwaaqo. Wiil iyo Caano iyo Gabadh iyo caano.

Aamin Amin amin