Tan iyo shirkii ka shacaay magaalada London ee ay beesha caalamaku dabada ka riixaysay kaasoo looga gol lahaa sidii boodhka looga tumi lahaa midnimo ay dib u yeelato soomalia ayaa ku keentay dhinaca Somaliland khalkhal iyo jahwareer siyaasadeed oo soo foodsaaray Somaliland iyadoo shirkaa beesha caalamku labada dhinac dhawr jeer ay isasoo horfadhiisisay nasiib darro xukuumadda uu siillaanyo hormuudka u yahay marwalba waxay isku dayaysay inay xaqaa’iqa shirkaasi lagaga wada hadlo ka fogayso bulshada reer Somaliland lasocsiintiisa, hase ahaatee waxay bulshada ku abuureen arimahan aan soo sheegnay walwal iyo walaac joogto ah waxayna mugdi galisay dhinaca ay siyaasadda xukuumaddu u jihaysatay, waxana inta badan ay is waydiin jireen xagee horta xisbiga kulmiye ee dalka qabsaday inoo wadaaa?.Hadaba waxa aan sida cadceeda loo qarin Karin xaqaa’iqa ka jira gudaha Somaliland, taasoo maalinba maalinta ka dambaysa kasii daraysay iyadoo muuqaalka qarannimo ee lagu yaqaan Somaliland uu markaliya u xuubsiibtay mid ku salaysan hayb qabiil. Sidoo kale waxa meesha ka baxay wada lahaanshihii bulshada reer Somaliland, waxana muraayadda Somaliland ka muuqda beelqudha taasoo xilligii kulmiye gabogabo ku dhawdahay, balse nidaamka dimoqraadiyadeed ee beesha caalamku ay ku garab joogtay Somaliland waxa uu isna u muuqdaa mid faashil ah oo reer qudhihi ku hirdamayo dhamaan kuraasta ugu mugga wayn dalka. Balse aragtida nuucaas ah ayaa dadka deggan gobolada darifyada waxay ku abuurtay inay dhawaanahan ka hadlaan saami qaybsiga beelahooda iyagoo u arka xilli ay muhiimtahay in laysku dheeli tiro habmaamulka dalka,balse illaa hadda beelahaasi wax tixgalin ama soo dhawayn ah kalamay kulmin gaar ahaan gobolka Awdal.
Hadaba, bulshada kunoo gobolka Awdal oo muddo ka badan laba bilood ka war sugayay xukuumadda ayaa todobaadkii aan kasoo gudubnay waxa sida dawanka ka dul yeedhay hadal tabashadii odayaasha la xidhiidhay balse reer Awdal ay u arkayeen madaxweynuhu inaanu indho u lahayn tabashada miisaanka lahayd ee madaxdhaqameedyada reer Awdal ay hordhigeen madaxwaynaha. Dareenka dadka reer Awdal oo qaanac horayba uga taagan saami qaybsiga Somaliland ayaa misena mar aan dareenkooda wax ka waydiinaynay bulshada ku nool magaalada Borama ayaa dad tiro yar oo iyagu la dhacsan siyaasadda maanta ee xukuumadda waxa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadihii hore ay tani ka fadallo caddahay , halka bulshada inteeda kale ay iskaba laabeen boggaga lagu faaleeyo siyaadda iyo saami qaybsiga Somaliland. Si kastaba ha ahaatee arimahan ka socda Somaliland ayaa ah duufaanno ku kacay doon badwayn maraysa oo cillad farsamana ay haleeshay Engine-kii ay ku socatay.Gunta iyo gabagabadii marka doontu dagayso dadka saran dusheeda naxdin way isla darsaan.
Mursal Elmi
Gobanimonews
Boorama Office