Sunday, November 16, 2014

Dhacdo Cajiib ah: Baashe cadde oo Qol lagu Qufulay

dhacdoHargeysa-(GNA):-Fadeexadii ugu weynayd ayaa maanta ku dhacday Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax (Qoorgaab) iyo Xildhibaan Cali Mareexaan.
Labadan Masuul oo ayaa saaka shir doceed gaar ahaa uga socday Xafiiska Cali Mareexaan, islamarkaana Xafiiska dibadda uga soo baxay Cali Mareexaan.

Cali Mareexaan ayaa markuu dibada u baxay ilaaway inuu Baashe Xafiiska kaga hadhay, kaddibna inta uu dusha kaga xidhay Xafiiska Suuqa u ambo baxay.

waxaana Xafiiskii ku dhex go'doomay Gudoomiye Baashe oo uu Argagax ku dhacay una qaadan waayay in Xafiiska dusha lagaga xidhay, wuxuuna u qaatay in Arimo kale oo Shirqool ah lala damacsan yahay.
Gudoomiye Baashe oo aad u anfariirsan ayaa waxa uu Telefoono kala duwan u diray Masuuliyiin kala duwan isagoo u sheegay inuu Xaalad aan caadi ahayn ku jiro, Akhirkiina waxa lagu guulaystay in Cali Mareexaan lala hadlo oo la Xasuusiyo inuu Xafiiskiisii ku jiro Baashe, taas oo keentay Naxdin kale iyo u qaadan waa ku dhacay isla Cali Mareexaan.

Arintan Saaka ka dhacday Aqalka Golaha Wakiilada gaar ahaan Xafiiska Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa noqonaysa sheeko aad loola yaabay islamarkaana si weyn loo hadal hayo, iyadoo aanay Dhacdo noocan oo kale ahi hore u soo marin Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland.