Sunday, November 16, 2014

Inta nabadu joogtaa Ninba laba Nin leegyahay!!

Waxyaabaha umadaha aduunyada is dhaafsha waxaa ugu wayn oo lagu tanaadaa laguna gaadhaa halbeega ay hiigsanayaan waa hadba sida ay umadaasi isku ixtiraamto ee ay isku dhagaysato iskuguna tanaasusho marka ay soo baxaan khilaafaad u dhexeeya laba qof iyo wixii ka badan oo kala aragti duwan midbana kan kale uu ku dhahaayo anaa aragti iyo fikir wacan kan kalena is difaac iyo muquunin la yimaado.

 

Hadaba hadii umada laga waayo qodobada aan sare ku sheegnay waxaa iska cad oo aan muran ku jrin inay is khilaaf balaadhan waajahayso dabeeto burbur la kulmayso taasina waxay dan u tahay qaswadayaasha iyo kuwa wada jirka umada iyo walaaltinimadooda ka soo hor jeeda waxaanay dhib iyo hoog ku tahay dadka inta wanaaga umada iyo hore u socod keeda jecel kana arimisa walaaltinimada iyo qaranimada umada meeshaasi ilahay ku beeray.

 

Hadaba hadaan intaan kaga nimaadno hor dhacaasi yar waxaad walaalayaal lawada socotaan in muran u dhexeeya golaha wakiilada soomaaliland kaasi oo sababay in amaanka wadanka guud ahaan uu khalkhal gasho dadwaynaha reer soomaalilandna si wayn ayey uga xumaaden wadnahana farta ayey ku hayeen waayo waxa kaliya ee ay eegtaan waa nabada iyo daganaanshaha hadaan nabad galyo jirina cid ay u dan tahay ma jirto oo waxaa lagalayaa burbur iyo barakac hoog iyo dhibaato cid cid haleelaysaana majirto oo ninba meelbuu ka dhacayaa hooyo iyo ilmeheedna way kala ambanahayaan.

 

Waxaa kale oo aad niyada iyo qalbiga ku haysaan intay nabadu jirto ayaa uu nin waliba laba nin leeg yahay isla markaana xarago iyo is daawasho suura galaysaa cibaado iyo rabi caabudna soconahayaa ganacsiga iyo shaqaduna ay suurta galaysaa dhisida iyo tartanka dabaqyada dhaadheerna waxay ku dhismi karaan nabadgalyo oo jirta oo taabo gasha, tacliin ama waxbarasho iyo dugsiyo la aadaana waxay kaliya suurta gashaa waa hadaad nabad haysato.

 

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay oo intaa aan soo sheegay iyo waxyaabo kale oo badan oo nabadgalyo xumadu cunto ay jiraan isla markaana ay nabadu hooyo iyo aabo u tahay nolosha lafteeda waayo nabi muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxaa uu ilahay waydiistay waa amni iyo iimaan halkaa waxaa kaaga muuqanaaya in amnigu xataa iimaanka ka muhiimsan yahay kana horeeyo waayo hadaan amni lahayn iimaan ma jiraayo waa la is dhacayaa qof walbana kan uu ka itaalka iyo xooga wayn yahay ayuu boobayaa la iskuna aabo yeeli mayo.

 

Waxaan leeyahay nimanka is haysta ee golaha wakiilada waar umada ka daaya khalkhalka iyo naxdinta umadu idiimay soo dooran inaad hadh iyo habeenba ka nixisaan oo aad dhagohooda soo gaadhsiisaan waxaan dan u ahayn oo nabadoodii iyo wada jirkoodii wax yeelaaya isla markaana aad qabyaalad u hor seedaan kala qaybisanaan umada reer soomaaliland na aad sababtaan, sidaa awgeed umada u tudha idinkuna qabsada hawlaha qaranku idinka sugaayo oo shaqadiina garta joojiya angoo reer hebalaa aad wadaan oo umada u tudha.

 

Hogaamiyayaasha axsaabta qarankana waxaan leeyahay fahma waxaad xisbiyada u samaysateen oo ah inaan qabiil kaga guurno una guurno inaan mabaadii isku doorano ee aynaan waa reer hebal isku dooran joojiya aflagaadada aad hawada isku marinaysaan iyo qabyaalada ka shaqaynaysaan oo barnaamijyo hore u marineed oo la idinku doorto keena oo soo bandhiga danta qaran kana aan u midawno.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

EMAIL:jamaalsuxufi@hotmail.com