Sunday, November 16, 2014

Dulmiga Wasaaradda Duulista ee Danyarta

Liibaan Ismaaciil oo ka mida dhaliyarta aqoonyahaynka ayaa soo bandhigay dulmiga ay wasaaradda duluusitu danyarta ku hayso

 Wasiirka-Duulista-Somaliland5Waxay ahayd khamiistii todobaadkii hore abaaro 9:30 Am, subaxnimo markii aan hawl ii khaas ah ugu kacay dhankaa iyo koonfurta madaarka magaalada hargeisa markii aan qabsaday wadada dheer ee u kacda hawdka waxa indhahayga qabteen hawsha samaynta xayndaabka ama dayrka madaarka taas oo in badan dhagahayga ku soo dhacaysay cabasho iyo qaylo dhaan ay ka samaynayaa dadka ku teedsan agagaarka madaarka , waxaana inta badan aan niyada iska waydiinayay tollow dadku ma waxa ay diidan yihiin in madaarka la xidho si amaanka iyo bilicda madaarkuba kor ugu kacaan mise wax aanad ogayn ayaa meesha yaal waxaase socdaalkan aan ku maray iiga soo baxday inay wasaaraddu samaysay eex iyo cadaalad daro ku salaysan miskiinbaa misko la rarta leh, waxaanan jeclaystay inaan idinla wadaago waxyaabihii indhahaygu qabtee.

Inta badan marka la samaynayo waddo ama xayndaab waxa iska caado ah in uu ku soo hagaagaan dhul ama dhisme cid ay leedahay , cida leh waxay noqon kartaa qof magac leh mid adduun haysta iyo mid saboola oo aan magac iyo maaltoona lahayn waxase mihiim ah diintuna ina faraysaa in loo cadaalad sameeyo laguna saleeyo sida xaqu yahay ee masuuliyaduna ku dheehan tahay, waxase layaab igu noqotay markii aan arkay in qaabka xayndaabku u yaal ay tahay kaaf iyo kala dheeri ka fog diinta, masuuliyada iyo sharciga somaliland oo dadka qaarna laga leexiyay qaarna lagu leexiyay waxaanay indhahaagu si cad u qabanayaan xayndaabkii oo aad moodo qaabka uu u yaal mas meesha maraya oo kale.

Waxa sidoo kale ay indhahaygu qabteen warashada karasharka oo la dhex galiyay xayndaabkii madaarka gudihiisa taas oo ah sharci daro iyo arrin cadaalladda ka fog waxaana marag ma doon ah in aanay is qabanayn warshad karashar iyo madaar ay shaqadiisu tahay duulimaadyo taas oo ku noqon karta khatar ay diyaaraduhu ka caagaan iyo bilic xumaba.

Waxa iyaduna jirta jirta lacago badan oo lagu soo kordhiyay hawl maalmeedka madaarka inkastoo wax la qabtay hadana waxa hadii Alle (SWT) idmo aan dib idiinkala soo wadaagi doonaa sida loo isticmaalo iyo waxa lagu isticmaalo .

Gabagabo: tallo bixin

Waxaan kula talin lahaa guud ahaan hawl wadeenada midada daabkeega haya ee wasaaradda u cadaalad samaynta dadka ku teedsan madaarka ay hoos u eegaan isla markaana ay xasuustaan in masuuliyadda ay hayaan laga xisaabin doona maalinta qiyaame siday wax u maamuleen sidoo kale guud ahaan bulshaduna eegayso taariikhduna ay qori doonto laguna xasuusan doona siday u maamuleen hadeer iyo hadhawba.

Inay hoos u eegaan dadka danyarta ah oo aanay ku tumanin kana door bidin ka magac iyo maalka leh basle ay tix-galinta koobaad siiyaan danyarta

Inay soo bandhigaan lacagaha la qaado siday u isticmaalaan iyo xadiga rasmiga ah ee soo gala si hufan oo aanay ku jirin madmadow si bulshadu u ogaato

Inay taxadir ka sameeyaan arrinta shaqaalaysiinta oo ay illaaliyaan u cadaallad samaynta dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada isla markaana ka fogaadaan inay nin jeclaysi ku kala doortaan.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Hageisa, Somaliland

ALLAA MAHAD LEH