Muqdisho, September 13, 2014—(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka. Amniga guud, iyo qodobo kale oo kamid yahay dib-u-habayn dawladdu ku samaynayso shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Shirka ayaa looga dooday sharci la xiriira tayaynta iyo dib-habaynta shaqaalaha dowladda iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada kazoo-baxay jaamacadaha dalka ee shaqo la’aantu haysato, waxana qorshahan soo bandhigay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo qubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Colaad Rooble oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in golaha Wasiirradu ay warbixin ka dhagaysteen Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga, waxana uu sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo kadib markii la qaaday howlgallo lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanka iyo shacabka Soomaaliyeed oo laga sameeyay gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho.
“ Dowladda Soomaaliyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu ay gurmad u fidisay dadkii ay ku dhufteen abaaruhu oo la gaarsiiyay raashin iyo biyo si wax looga qabto xaaladooda nololeed. Haddana waa soo kabanayaan goobiihii sida daran abaartu u saamaysay” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dhinaca kale, golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda uga dooday shirweyne ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed sidii kor loogu qaadi lahaa, waxana goluhu u xil-saareen guddi ka kooban Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hidaha iyo Tacliinta sare in ay kasoo tallo bixiyaan qaabka ugu habboon ee shirweynahaas u qabsoomi lahaa.
Hore ayaa waxay dawladdu ugu dhawaaqday inay dib u habayn iyo qiimeyn ku samaynayso Shaqaalaha ka howl-gala xarumaha dawladda, kuwaasoo mushahar ku filan iyo tababaro loo fidinayo, si ay adeegyada bulshada ay u qabtaan u noqdaan kuwo ay niyad samaan ku gutaan.
Waa markii labaad ee ay dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ka hadasho arrimaha ku saabsan dib u habaynta Shaqaalaheeda.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com