Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacada Alpha University ee magaalada Hargeysa.Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacada Alpha University ee magaalada Hargeysa.![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Madaxweynaha somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa waxaa ka qayb galay munaasibadan oo loo qabtay dufcadii sadexaad ee ka qalin jabisa jaamacada Alpha ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadal u jeediyey ardayda ka qalin jabisay jaamacada Alpha ayaa u hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydaasi, waxaanu sheegay inuu
aad ugu faraxsan yahay aqoonta ay ardaydani dalkooda u soo barteen, waxaanu tilmaamay inuu mar walba ku faraxsan yahay da’yarta aqoonyahanka noqonaysa.
Madaxweynaha somaliland waxa uu si gaar ah u hanbalyeeyey laba arday oo ka mid ah ardayda ka qalin jabisay jaamacada Alpha kuwaas oo ah arday naafo ah.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Sidoo kale gudoomiyaha jaamacada Alpha University Cabdiraxmaan Maxamed Maal ayaa u hanbalyeeyey guud ahaanba ardaydan ka qalin jabisay jaamacada Alpha waxaanu ka waramay mudadii ay ardaydani ku jireen waxbarashada iyo dedaalkii dheeraa ee ay la soo mareen, waxaanu si gaar ah u tilmaamay inay maamulka jaamacada Alpha University ay ka go’an tahay inay soo saaraan ardayda aqoon fiican leh oo wadankana wax tara.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Sidoo kale dhamaanba masuuliyiintii kale ee munaasibadan ka hadashay ayaa u hanbalyeeyey ardayda ka qalin jabisay jaamacada Alpha iyaga oo u rajeeyey mustaqbal fiican.
















.jpg)
.jpg)



















