Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyey inay heshiis iyo is-afgarad wada gaadheen xukuumadda iyo iyo xisbiyada Mucaaradka ah, kaasoo ku saabsan diwaan-gelinta buuqu ka taaganyahay ee Jinsiyadaha.Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa maanta sheegay inay wada hadalo u socdaan xukuumadda iyo iyaga, kana wada hadlayaan sidii laysugu soo dhawaan lahaa arrimaha diwaan-gelintaas.
Hase ahaatee xirsi oo Qoraal kooban ku baahiyey Bar-kulanka Facebook, ayaa tashuush ku furay dhawaaqa ka soo yeedhay Mucaaridka.
Waxa uu yidhi “Ma Jirto Wax Aanu Ku Heshiinay Axsaabta Mucaaradka, Cabdirashiid Riyo-Raacna Maanu Kulmin, Gudoomiye-yaashana Waxaanu Isugu Nimi Dood , Wax Heshiis Ahna Kamaanu Gaadhin Ee Waxaanu U Balanay In Aan Dood Iyo Falanqayn Ku Aadan Diwaangelinta Maddaniga ah Markale Isugu Nimaadno!
“Waxaan la yaabay Sida Cabdirashiid Riyo-Raac War aan Jirin uu Miciin u Mooday ee uu u yidhi Wasiir Xirsi ayaa nala qaatay in Diiwaan-gelinta Maddaniga “Civil Registration-ka Wax ka Qaldan Yihiin!!-
Waxay ahayd xalay kadib markii dood lagu falanqaynayo xeerka Diiwaan-gelinta Maddaniga ah ay marti galiyeen Telefishanka Madaxa banaan ee Horn-Cable TV
Falanqaayntaas ayaa waxaa ka qayb qaadanayey xubno ka socday Axsaabta mucaaradka iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada ka socday oo metalayey xukuumada talada haysa
Hadaba waxaan la yaabay ama wax aanan filayn igu noqotay in Masuul sheeganaya magaca Xisbi Qaran “Waddani” oo la yidhaa Rashiid Riyo-raac uu si kas ah uu uuga been abuuray dood iyo falanqayn aanu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gudoomiye-yaasha labada Xisbi Mucaarad ku kulanay isla markaana uu ku sheegay in aan ka garaabay in khaladaad ku jiraan Xeerka Diwaan-gelinta Maddaniga ah! Waa siduu hadalka u dhigee
Oo ma waxaan ka garaabi ama aan khalad ku sheegi in Muwaadiniinta dalka la diwaan geliyo oo aynu doorashada kahor kala garano yaa muwaadin ah oo u qalma in uu codeeyo iyo yaan ahayn oo aan mudnayn in uu go’aamiyo cida talada dalka qabanaysa?!
Waxaan dareemayaa in ay tahay su’aal ay ka jawaabi karaan cid walba oo dareenka dalnimo iyo damaca doorasho ku jirto!
Waxaan leeyahay; Masuulka looga fiican in uu war aan jirin saxaafada ka sheego isagoo uuga dan leh in Kambayn uu wato ku Majara habaabiyo bulshada, wuxuuse ilaaway in ay beentu lug kaliya leedahay isla markaana cimri yar tahay.
Wa Bilaahi Tawfiiq