Dawladda hoose ee Berbera oo 42 Dugsi ka taageero joogto ah siinaysa
Hargeysa(GNA)-Dawladda hoose ee degmada Berbera ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kaga qaybqaadanayso horumarinta waxbarashada ee Magaalada xeebta ku taalla, waxaanay la wareegtay 42 Dugsi hoose dhexe oo ay kaabi doonto dhaqaalahooda.
Dawladda hoose ee Magaalooyinka waaweyn ayaa door horumarineed ku leh,horumarinta adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, laydhka iyo Biyaha, hase ahaatee qorshana cusub ee Maayirka Magaaladaasi ku dhawaaqay waxa muuqata inuu ka duwanyahay kaalintii ay hore uga geysan jireen waxbarashada deegaan.
Kulan balaadhan oo lagu dersayay qorshahan ay dawladda hoose ee Berbera kula wareegayso waxbarashada, ayaa Isniintii maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose, waxaana ka soo qayb galay, madaxda waxbarashada ee heer gobol iyo Maamuleyaasha Dugsiyada dawladda.
Maayirka Magaalada Burco Cabdishakuur Maxamuud Cidi, oo kulankaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay ula wareegayaan dugsiyada.
“Dawladda hoose ee Berbera waxay la wareegtay 42 dugsi oo kuwa hoose dhexe ah, kuwaasoo aanu rajeynayno wax weyn inaanu ka qaban doono, oo aanu isgarab taagi doono wasaarada waxbarashada”ayuu yidhi.
Maayir Cidin ayaa intaasi raaciyay “kulankan Waxaanu ku toosinaynay inaanu Maamuleyaasha iyo kormeerayaasha ogaysiino doorka ay dawladda hoose ku yeelanayso shaqada ay hayaan, taasoo ay dawladda hoose inshalah wax badan ka qaban doonto sidaanu balanqaadnay”.
Xubno ku hadlayay afka bahda waxbarashada kulanka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada ay qaaday dawladda hoose ee Berbera fure u noqon karta dib u tayeyn lagu sameeyo waxbarashada dawliga ah ee Magaalada oo dib u dhac ku yimi tan iyo markii ay dawladdu madnuucday lacagta laga qaado ardayda.
Hoos u dhaca tayada waxbarashada dawladda
“waxbarashada dugsiyada dawladdu hoosbay u dhacday intii lacagta laga daayay Ardayda” sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Mursal oo ka mid ah waalidiinta ubadkoodu waxbarashada ka dhigtaan Dugsiyada dawladdu maamusho.
Hoos u dhaca ku yimi waxbarashada dawladda ee dugsiyada hoose dhexe, waxa sababay Dakhligii Dugsiyada oo yaraaday, Macalimiintii oo waayay lacagtii kaashka ahayd ee ay ardayda ka qaadan jireen oo ay ku kabi jireen Mushaharka kooban ee ay dawladdu siiso, iyadoo ay macalimiin badani shaqada ka tageen markii go’aanka xukuumaddu ku dhawaaqday sanadkii 2011-kii.
Sidoo kale, waxa meesha ka baxay Karashaadkii lagu nadiifin jiray Iskuulada ee ay qaadan jireen shaqaalaha aanay dawladdu gunayn “ Nadaafadii Iskuuladu way xumaatay, shaqaalihii qashinka ka qaadayay ayaa lacag loo waayay, markii iskuulkii la yidhi shillin laga qaadi maayo,iyadoo aan wax bejed ah loo samayn adeegyadii aasaasiga ahaa”ayuu yidhi mid ka mida waalidka Ubadkoodu wax ka bartaan Dusgiga Gacmo-dheere ee Magaalada Hargeysa.
Waalidiinta oo dib isu xilqaamay
Markii ay dhulka gashay tayada waxbarashada dawladdu, waalidiin badan oo aan awoodayn inay iska bixiyaan lacagta badan ee waxbarashada gaarka loo leeyahay, ayaa isu xilqaamay sidii ay dib ugu noolayn lahaayeen heerkii dhexdhexaadka ahaa ee ay Ubadkooda wax loo bari jiray, si aan tacab qasaar ugu dhicin.
“inta badan iminka Iskuuladu dib ayay u bilaabeen lacagtii laga qaadi jiray Ardayda, waxaana sababay uun kolay duruuf iyo waalidiinta aan awoodin tacliinta gaarka loo leeyahay oo isxilqaamay” sidaasi waxa GNA u sheegay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Waxbarashada oo xogogaal u ah arrimahan.
Xukuumadda oo ku faantay Lugooyo
Iyadoo ay jirto saameynta balaadhan ee ay talaabada dawladdu qaaday ku yeelatay tayada waxbarashada Qaranka ee dawladdu maamusho oo ah ta loo simanyahay ee ay dadku si siman uga wada faa’idaystaan, kana naasilsanayd ta lacagta adag lagu dhigto, ayaa hadana xukuumadda talada haysaa waxay ku faantaa inay lacag la’aan ka dhigtay waxbarashada hoose dhexe ee dawladda.
Waxaase faankaasi u muuqdaa sheeko baralay iyo waxaan bulshada u cuntamaynin oo dadka badankiisu dareensanyahay inaan wanaag laga dhaxlin lacag ka daynta waxbarashada, inkasta oo laysku raacsanyahay inuu go’aankaasi ahaa mid geesinimo leh oo ay xukuumadihii ka horeeyay ku dhici waayeen.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com