Saturday, September 13, 2014

Xildhibaano Weeraray Oo Baastoolad Ula Baxay Maayirka Degmada Borama.

Borama-(GNA) laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka boorama oo lagu kala magacaabo maxamed ibraahim Ilkacase iyo xayte ayaa goor sii horaysay duqa degmadda borama Salebaan Xasan Xadi ku weeraray gudaha magaalada borama iyadoo midna baabuur ku hor gooyay  halka ka kalena wararku sheegayaan in uu baastoolad ula baxay maayirka. Ma jiro ilaa hada war  faahfaahsan oo ka soo baxay falkan ugubka ku ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada borama , hase yeeshee waxa si weyn looga hadal hayaa habeenkan caawa gudaha magaaladda borama.

Dhinaca kale Mid ka mid ah shaqaalaha sar-sare dowlada hoose ee borama oo lasoo xidhiidhay shabakada Gobanimo News isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa arintan wax taabtay waxana uu yidhi “labadan xildhibaan mudooyinkii u danbeeyay si aada ayay u hadal hayeen maayirka kuwaasi oo mararka qaarkood  ku hanjabayay in maayirka ay gacan ula tagin doonaan ama ay gudo gali doonaan sidii ay xilka uga xayuubin lahaayeen maantana waxaba ay ku dhaqaaqeen hadalkii ahaa in ay maayirka gacan ula tagi doonaan runtii waana arin aad looga xumaado oo meel ka dhac ku ah golaha deegaanka” sidaasi ayuu masuulkani hadalkiisa kusoo koobay.

Si kasta ha ahaatee ilaa hada wax war ah kama soo bixin dhanka maayirka degmada borama ee ay xildhibaanadani weerareen

Wixii war ah ee kasoo kordha arintan gadaal ayaanu idinkaga soo gudbin doonaa

ISHA KU HAY GOBANIMO NEWS

Gobanimo News

Borama Office