Sunday, September 14, 2014

Hargeysa: Najax Cali Xirsi oo raq iyo ruux la waayay iyo 1 qof oo maydkiisa la helay.Daawo

Najax Cali Xirsi oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa la aaminsanyahay inuu dhintay, halka 1 qof kale oo isna la waayay Maykiisa la helay...Hoos ka daawo:

daadHargeysa(GNA)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, 8 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo Gaadiid uu shalay galabnimadii daad ka qaaday Dooxada Huluuq oo u dhexaysa Arabsiyo iyo Abaarso (Gabiley).

Najax Cali Xirsi oo la socday gaadhi Jaadle ah oo ka tegay Magaalada Hargeysa, kuna sii jeeday Galbeed, ayaa ka mid ah dadka dhintay, kaasoo ilaa hada raq iyo ruux la la’yahay ilaa hada, tan iyo markii uu daadku la tegay.

Qofka kale ee dhintay ayaa Darawal ka ahaa Gaadhi nooca yaryar ee Rakaabka qaada ah (NOAH), kaasoo gaadhigii uu waday iyo isagaba ay biyuhu la tageen, balse dadkii la socday ay ka badbaadeen.

“ markii ay biyuhu dhufteen ayaa dadkii kale at daaqadaha ka daadteen, kaddibna darawalkii iyo gaadhigiiba wuu qaatay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadkii goob-joogeyaasha u ahaa dhacdadan.

Ninkii watay gaadhiga rakaabka siday ayaaMaydkiisa la helay saaka,sida uu sheegay goob-jooge kale “ haa waa la helay Maydka iyo gaadhigiiba” ayuu yidhi Mustafe.

Najax Cali Xirsi oo la rumaysanyahay inuu dhintay, ayaan ilaa hada la haynin Raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay Cabdiwali Cali Xirsi oo ay walaalo yihiin.

“haa walal ilaa hada ma hayno raq iyo ruux, ilaa saaka waxaa lagu jiray raacdo, walina ma hayno” ayuu yidhi Cabdiwali Cali Xirsi (Bagaase).

Waxa wali socda baadi goobka Ninkan oo aan wali la aqoosan inuu dhintay iyo in kale, balse eheladoodu aaminsanyihiin inuu dhintay “ilaa hada waa la baadhayaa, walina lama hayo raq iyo ruux” ayuu yidhi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ay qaraabo yihiin ehelada Ninka daadku qaatay.

Wiilka Dooxu qaatay ayaa ka soo jeedda deegaamada Gobolka Sool, waxaanu raaci qaad ka ahaa Shirkad qaadka soo dejisa. “ Gaadhigu wuxuu u socday galbeed, waxaanu soo qaadayay Jaad, isaguna Raacibuu ka ahaa” ayuu yidhi Cabdixakiin oo ka mid ah Ehelada marxuumku.

daad2Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan masiibadan baaxadda leh ee ka dhacday Dooxa Huluuq, hase ahaatee Telefishanka Dawladda ayaa baahiyay warbixin ku saabsan sida uu shilkaasi u dhacay.

Halkan ka daawo:

Biyo mareenada ay Laamigu ka talowdo ee u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa, iyo kuwa dhinaca Berbera ee bad-weynta waqooyi waraabiya ayaa dhibaato joogto ah ku haya mar kasta oo xilli roobaada, iyadoo aan tiro lagu soo koobi Karin inta ay dad iyo duunyo qabaan labada waadi ee ugu waaweyn oo Laamiga ka gooya dacalka Galbeed ee degmada Arabsiyo.

Dooxyada kale ee kala mara, Deegaamda Lafo-ruug, Dacar-budhuq iyo Aw-barkhadle, ayaa iyaguna halis joogto ah ku haya Dadka iyo Gaadiidka isaga goosha Magaalada Hargeysa iyo Gobollada Bariga oo dhan, gaar ahaan kuwa Laamiga mara, xilliga Roobka ee Daadadka xooggani marayaan.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com