Pages

Sunday, September 14, 2014

Taliye ku-xigeenkii Argagixiso la-dagaalanka Soomaaliya oo la dilay

[caption id="attachment_98427" align="alignleft" width="300"]ku-xigeenkii Hay'ada la dagaalanka Argagixisada ku-xigeenkii Hay'ada la dagaalanka Argagixisada[/caption]

Muqdisho(GNA)-Taliye ku-xigeenkii la-dagaalanka Argagixisada ee dawladda Soomaaliya ayaa la dilay, kaddib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen gaari uu lasocday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Qaanuuni, ayaa la xaqiiqsanyahay inuu ka tirsanaa nabad-sugida soomaaliya, waxaana xilka uu hayay loo magacaabay bishii ramadaan ee ina dhaaftay markii la dilay sarkaalkii xilkaas hayay oo magaciisa la odhan jiray ibraahim Ahmed.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Weerarka lagu dilay Qaanuuni, waxaana sheegashadaas baahiyay Ideecada Afka Alshabaab ku hadasha ee ANDULUS.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Federaalka oo la xiriira dilka sarkaalkan, taasoo lagu beeninayo dilka ama lagu xaqiijinayo.

Alshabaab ayaa weerar khasaare badan geystay fulisay todobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii la dilay Amiirkii guud ee kooxda oo weerar cirka ah lagu dilay. Waxa ay kooxdu wacad ku mareen inay jihaadka sii wadi doonaan, una aar-gudi doonaan Axmed Cabdi Godane.

La soco wixii ka soo kordha